Dhuusamareeb:-Ciidanka Al-shabaab ayaa xoog kula wareegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, waxayna kala wareegeen Ciidanka Ahlusunah oo muddooyinkan maamulayay magaalada.
Al-shabaab, ayaa qirtay in ay iyaku weerarka qaadeen ayna ku guulaysteen oo ay si buuxda ula wareegeen magaalada oo dhan.
Khasaare isugujirta dhimasho iyo dhaawac oo u badan dadkii dagaalamay ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana la sheegayaa in magaalada aad looga barakacay oo ay dadku ka baxsadeen dagaaladan iyaka oo u qaxay dhanka miyiga iyo magaalooyin kale oo la diris ah Dhuusamareeb.
Dhowr jeer oo hore ayaa Al-shabaab iyo Ahlusunah ay midba mar gacanta u gashay magaaladan, mana cadda inta ay sii haysan karaan Al-shabaab, maxaa yeelay kama dheera magaalada Ciidamadii laga saaray.
Puntlandpost.com