Logo














RELIGION - DIINTA
40 XADIIS | 1aad | 2aad | 3aad |4aad |5aad |

XADIISKA 1aad
MIISAANKA CAMALKU WAA NIYADA
Waxaa laga weriyey Amiirkii muminiinta Cumar ibn al-Khaddaab, Allaha ka raalli noqdee: inuu yiri, waxaan maqlay Nebiga (s.c.w.) oo leh: Camalka waxaa saldhig u ah niyada, qof kastaana wuxuu helaa niyadiisa, marka qofkii u hijrooday ilaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar ilaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo ilaahay ka sugi maayo abaalgud.
Waxaa wariyey al-Bukhaari iyo Muslim.

FAA'IIDADA XADIISKA
Wuxuu noo faa'iideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda:
1. Inaan camalku ansaxayn niyad suuban la'aan.
2. In qofka laga abaalmarinayo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan.
3. Camalka alla aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la'aan, shareecadana waafaqsan.
4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsanaa ku dara is tus-tus ama uga gogol leh camalkaa aduun ku hel,ama ha lagu amaano ee magac iyo maal doon ah waxaa buraya ajarkiisii oo ilaahay waxba ka sugi mayo.
>>















©2001-2002 Puntlandpost.com
webmaster@puntlandpost.com