Waxaa laga wariyey Cumar inb al-Khidaab(Alla ka raali noqdee), inuu yiri: Maalin maalmaha ka mid ah anagoo Nabiga(s.c.w.) la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad
aadna u timo madow oo aanay ka muuqan astaan safar nin yaqaanna naguma jirin ilaa uu Nabiga agfariistay, markaasuu jilbaha
jilbaha u saaray, baabacooyinkiisana kor saaray bowdada nabiga(s.c.w.) markaasuu yiri:
Muxamadow iisheeg islaamka.
Markaasuu rasuulkii Alle(s.c.w.) yiri: Islaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo alla maahee,
Nabi Muxamedna rasuulkii alle yahay, inaad oogtid salaada, bixisid sakada, soontid bisha ramadaan iyo u xajidid-baydka Alle haddii aad awoodid.
Markaasuu yiri: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee hadana leh run baad sheegtay.
Hadana wuxuu yiri iisheeg Iimaanka. Markaasuu yiri: Iimaanku waa inaad rumaysid Alle iyo malaa'iktiisa, kutubtiisa, rasuushiisa, maalinta qiyaamaha, qaddarka Alle shar iyo kheyrba.
Wuxuu yiri: Run baad sheegtay. Wuxuu yiri: Hadana iisheeg ixsaanka. wuxuu yiri: ixsaanku waa inaad Alle u caabudid sidii adigoo
arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkay isagaa ku arkaya.
Wuxuu yiri: Iiga waran saacaddu markay dhacayso. Wuxuu yiri Nabigu(s.c.w.) kaagama war rooni. Wuxuu yiri: Iiga waran calaamada lagu garto markay soo dhowaato.
Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayidkeeda iyo in dadka kabaha la' ee qaawan ee saboolka ah iyo reer baadiyaha tartamaan sara-dhis. markaasuu iska tegey.
Markii Nabigii cabaar aamusnaa ayuu yiri: Cumarow, magaranaysay ninkii wax warsanayey?
markaasaan iri: Alle iyo rasuulkiisa baa og. Wuxuu yiri Nabigu(s.c.w): Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimi inuu idin baro diintiina
|