Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (Allaha ka raali noqdee):
Waxaa noo xadisay Rasuulkii Alla(s.c.w.) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxuu yiri:
Qofka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood intaa in la'egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar erey oo kala ah:
Inuu qoro arsaaqadiisa, cimrigiisa, shaqadiisa iyo inuu yahay shaqaabad ama saciid. Waxaan ku dhaartay Allahaa aan ilaah kale jerin xaq lagu caabudo isaga ma'ahee; Qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in suxul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray naarta, wuxuu falayaa camalka reer -naareedka, markaasuu gelayaa naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in suxul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray janada wuxuu falayaa camalka reer-jannaadka, markaasuu gelayaa jannada.
|