Logo



































RELIGION - DIINTA
40 XADIIS | 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | | 6aad | | 7aad | | 8aad | | 9aad | | 10aad |

XADIISKA 6aad
KA DHEERAANSHAHA SHUBHADA
Xalaashu waa cadahay, xaarantuna waa cadahay, waxaana jira arimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna midna ku cadeeyn, dadka badankiisuna ka warqabin. marka ninka ka dhowrsada arimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaadey diintiisa iyo shaftiisa, ninkii arimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyey meel seero agteed ah, waxaa looga baaqa in xoolulu seeraha u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay , ogaada in Boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha Ilaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay ogaada in jinka ay ku jirto waslad hilib ah oo hadii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, hadii ay xumaato jirkoo dhan baan xumaanaya. ogaada taasi waa qalbiga.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

FAA'IIDADA XADIISKA
Wuxuu noo faa'iideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda:
1.Kala soocida xalaasha, xaaraanta iyo shubhada.
2.In shubhada laga dheeraado si looga nabadgalyo xaaraanta.
3.In qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka calool ku haynta i.w.m.
<<


































©2001-2002 Puntlandpost.com
webmaster@puntlandpost.com