RELIGION - DIINTA
|
XADIISKA 8aad
|
|
XURMADA MUSLIMKA
|
Waxaa laga weriyay ibnu Cumar A(illaha ka raali noqdee), inuu yiri Nebigu (s.c.w.)
Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan midnimada Alla iyo inuu isaga
keliya yahay illaha xaqa ah, wixii ka soo haraana ee la caabudu ay yihiin ilaahyo been iyo
baadil loogu hogaansan yahay ee aan xaqa aheyn, in laga hortagona ay waajib tahay, waxaa
sidoo kale nebiga la amran iyo ilaa ay ka qiraan Nebinimada Rasuulka Ilaahay, salaada tukadaan, sakadana bixiyaan. Hadii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiigooda, iyo
maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraaada Ilaahay baa ka xisaabaya.
|
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.
|
FAA'IIDADA XADIISKA
|
Wuxuu noo faa'iideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda:
1.In lala jihaado cadowga Islaamka, ilaa ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka muslimka.
2.Ninka ka taga salaadda, ama diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah islaamka.
3.In qofka muslimka dhiigiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo.
4. Dhiiga qofka muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan.
5. Qofka islaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon ilaahay baa loo talasaaranayaa.
|
|
<<
|
|
|
|
|