XADIISKA 9aad
|
|
QOFKA LAGUMA WAAJIBIYO WAX KA SAREEYA AWOODIISA
|
|
Waxaa laga wariyey Abuu-hureera cabd raxmaan ibn shakhar (allaha ha ka raali noqdee) inuu yiri : waxaan maqley Rasuulkii Alla ( s.c.w.) oo leh:
Waxaan idinka reebo ka dheeraada, Waxaan idin faray la imaada intaad
awoodi kartaan, waxa halaagay dadkii idinka ka horeeyey su aal badnaan
iyo qilaafkii Nebiyadooda.
|
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.
|
FAA'IIDADA XADIISKA
|
Wuxuu noo faa'iideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda:
1.Wixii Nebiga (s.c.w.) reebay in laga dheeraado.
2.Wixii Nebiga faray in la falo inta awooddu ku gaarsiiso.
3.Su"aalaha aan loo baahneyn inaan culimada loo jeedin.
4. qofka inaan lagu kalifin waxa aanu awoodikarin.
5. Inay waajib tahay raacidda jidka Nebiga ( s.c.w.).
|
|
<<
|