BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Diyaarado qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweyanaha & Wafdigiisa ee magaalada Boosaaso , siddee shacabku arkeen ? …!!

December 2, 2012 8:51 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Boosaaso: (pp)-  Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey oo gaaray  magaalada Boosaaso dhowr casho kahor ayaa markii uu soo galayey Magaalada Boosaaso, waxaa marka laga reebo Illaalidiisa iyo Saraakiisha la socotay waxaa dushooda heehaabayey Labo diyaaradood oo ay leedahay dowlada Puntland.

Diyaarao qayb ka ahaa safarkii madaxda Puntland ee magaalada Boosaaso

Shacabka qaarkiis ayaa aad u hadal hayey diyaaradaha dul heehaabayey Soo gelitaanka madaxweynaha Wafdigiisa ee magaalada Boosaaso, diyaaradahaas oo ku socday Joog hoose, waxaana dadka qaarkiis ay u haysteen inay diyaarahaas laga leeyahay dalal shisheeye, markii danbase ay shacabku ogaadeen in diyaaradahaasi laga leeyahay Puntland ayna qayb ka ahaayeem sugida ammaanka madaxweynaha & Wafdigiisa.

Taariikhda Puntland inta la ogyahay waxaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland  soo mara oo Diyaarado ay leedahay Puntland lagu sugo ammaanka , waxaana arrinkaas aad ugu riyaaqay shacabka Puntland oo dareemay in Puntland ay gaartay horrumar loo baahan yahay in meesheeda laga sii wado.

Hadal haynta  Diyaaaradahan ayaa asbuucan aad looga hadal hayaa deegaanada Puntland , siiba magaalooyinka Waaweyn  ee Puntland, waxaana arrintani ay qayb ka tahay Awooda Puntland ay ka gaartay dhinaca amaanka ee beriga iyo badaba intaba.

Diyaaradaha loo isticmaalay ammaanka madaxda dowlada,  ayaa ka mid ah kuwa qalabka ay Puntland u adeegsato la dagaalanka burcad badeedka , iyadoo markii loo baahdana ay dowladu adeegsato waxa ay rabto oo dhanka ammaanka ah, waxaana diyaaradahaas wada Pailot-yaal u dhashay deegaanada Puntland oo loo soo tababaray, si puntland ay uga baxdo Pailot-yada dalalka shisheeye u dhashay ee ku shaqeeya dhaqaalaha tirada badan.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA