BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

DOOD: Inta aadan Is-sharaxin 5 sano dalka joog, Qurbajoogtuse dalka ma hormariyaan mise dib bey u dhigaan??

November 30, 2012 11:08 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Dood: (pp)- Aan Kubilabee Magaca Eebe Bismilaahi Raxamaani Raxiim , Waxaa sanadihii danbe soo kordhayey Qurbo Joogta Soomaalida oo ku soo badanaya Siyaasada , iyagoo markaas u imaanaya xayn xayn, una imaanaya siyaabo kala duwan,  kuwo  waxay isku sharaxayaan Madaxweye, Wasiir, Safiir ama Shaqooyin kale ee Dowladu leedahay.

Farhan Yasin Mire (isqootax)

Qurbo Joogta Xildoonka ahi Waxay isku dayaan in ay Danahooda ay awooda saaraan,  kuwaas oo markii ay uisa soo sharaxaan siyaasada  la soo gala Labo Lugood  oo mid Dibada u taal midna Gudaha u taal marka laga Guuleystana  ama ay waayaan xilalkooda   Diba ugala baxa kadibna isaga laabta Qurbuhii ay  ka Yimaadeen, mana ahayn  mowqifkii iyo ujadeedadii dalka uu  u yimid in ay ahayd Bad Baado Qaran, Ma Dad iyo Dal Burbursan baa Interest ama Dano gaara loola yimadaa Mise Badbaado iyo hormarbaa Wadanka loola yimadaa?.
Dadweynaha qaarkood ayaa aad ulla  yaabay qurbo joogta xildoonka ah ee aan danaha u ahayn umada , kuwaas ayaa loo yaqaan   magaca la yiraahdo Dayuus Baro Tan oo u eg mid loola jeedo in aysan ka soo bixin hormarkii laga filaayey in ay ku dhaqaaqaan aqoon yahanadda Dalka ee Dibada wax ku soo bartay ee isku soo sharaxaya Dalka gudihiisa, hadana aan lahayn hormar cadaalada sinaan iyo wax qabad midna, Wali mala sheegay urur ama xisbi ama koox ama shaqsi u istaagay in uu dalkiisa wax ka qabto isaga oo aan soo raadsan xil hase ahatee sameeya Schoolaad, Jamaacado, Ceelal biyood, Hormar Hadii ay jawaabtu tahay haa .. Waa Dhif , Maxay noqon kartaa in umada somaliyeed oo maanta 70%  aan aqoon lahayn in ay sameeyaan hormar iyo nabad, halka kuwii laga sugayey 80% boqolkiiba in ay aqoon iyo hormar keenaan ay noqotay in  ay keenaan Dib u dhac Xildoon iyo Qas wade Dalka Dibadiisa ka soo dira lacag ama dhaqaale oo u adeegsanayo dana u gaarka ah.
Waxaa la rabaa Marka aad tahay Qurbo joog Musharax ah ama Xildoon ah in ay kaa go’an tahay in dalka aad wax u qabato Soono guurto oo aad dalkaaga dib ugu soo laabato lana qaybsato umadaada dhibaatooyinka ay ku jiraan, Waxaad arkaysaa Musharax Diyaarad ku imaanaya dalka oo aan lahayn Guri loogu Sameeyo Shaqadiisa ama hawshiisa ee ku soo degaya Hotel ama maalmo Guri uu kireesto kadibna dib ugu laabanaya Diyaarad, (Rover)Taasna ay cadahay Ujeedkiisa balse umada markaas aysan dareemi karin,  hase haatee waxaa  la rabaa in Qurba joogto ay ka shaqeeso badbaada Dalka iyo Dadka.
Hadii la helo Dad Qurbo jooga oo aan isku soo taagin Xil ay dano gaara ka doonayaan Waxaan hubaa in ay noqon lahayd Fursada ugu weyn ee dalka wax ka badali lahayd hadii la helo ururo ama xisbiyo Qurbaha wax  ku soo bartay kuwaas oo dalkooda la yimaada Hormar wax-wax barasho mid  Caafimaad mid Siyaasadeed Waxayna wax tar weyn u ahayn lahayd umada somaliyeed ee ku nool dalka ee maalin kastaa u taagan dhibaatada iyo burburka, kuwaas oo aad arkayso in ay u dulqaadanayaan dhibaatada ka taagan wadanka , iyagoo sidaas u og ayaa qaarkood ka shaqeenayaan nabada, Wadaniyada, Babaadada umada iyo hormarka dalka.
Qormadaan waxaan ku xusayaa in ay Gabeeen qurbo  joogtaa ee aqoonta leh ee wax baratay Badbaadii dalka iyo dadka Waxana indhahaygu arkeen kuwo  Qurbo jooga ah oo dalkoodii oo bubursan u raadsanaya Xilal ay ku doonayaan dano gaara, waayihii danbe waxaa soo baxday arrin la yaab leh oo ah musharixiinta in ay musharax kastaa ama shaqsi kastaa oo qurbo joog ah oo xildoonaya in uu Wada hadal la soo galo Dalka uu degan yahay.
Waxaan Xasuustaa anigoo tusaale u soo qaadanaya Xilayadii dalku ku soo badanayey qurbo joogta Xiligii Puntland ee 2009 ay doorashada ka socotay, Waxaa isa soo sharaxay oo dibada ka yimid 20 Musharax ku dhawaad oo Qurbo jooga Qaarkoodna dalka waligood aan cag soo dhigin, kuwaas oo intii u badneeed ay dib u laabteen walina aan dib cagaha u soo galin taas, oo aan kaga tusaale qaadanayno oraahdaan oranaysa “Inta Aadan Is Sharixin Shan Sano
Joog Dalka”, Sidoo kale Doorashadiii Somalia ee 2012- ka Waxaa isoo soo sharaxay ama xilal kala duwan soo raadsaday ugu yaraan 30-domeeyo Qurbo jooga oo aan dalka dib ugu soo laaban.

Waxaa aad u fiicnaan lahaa in Qurbo joogta Xildoona ah ee Dalka kusoo badnaya in aysan dalka u imaan Dano gaara ama sii bur burin ee ay dalka u yimadaan sidii ay u dhisi lahayeen iyagoo ururo ama xisbiyo ah ama Group ah, kuwaas oo dalka ka qabta wax qabad la taaban karo,  waxanaa markaas imaan lahaa tartan la yiraahdo urur ama xisbi hebel wuxuu Dhisay 4 Ceel oo biya ah,  wuxuu dhisay Sadex Jaamacadood, wuxuu dhisay dhaqaalihii wadanka wuxuu dhisay ama ka shaqayey Amaankii wadanka oo markaas qolo walbaa tartan gasho, taas waxay noqon lahayd badbaada Qaranka, Waxayna ahaan lahayd  Sida dad khibrad leh (Expatriat) oo laga faaido khibradooda Meela badana wax ka fiirsha ama ka cabira (Ground-breaker)

Somalia Bubur weyn baa ku dhacay oo dhoor iyo laabatan sano haya in kastoo somalida ay tahay Dad muslim ah oo niyad wanagsan mar kastana fisha in ilaahay dib ugu soo celin doono dowladnimadii iyo barwaaqadii somalia ku jirtay ayaaa hadana waxaa jirta Dhibaatooyin aad u badan oo shacabka somaliyeed aysan marnaba ka hor tagi karin ee ah Siyaasi ama Xildoon Wata Dano gaar ah,  kuwaas oo markaasi ku maldaha Qabiilkiisa ama Groupkiisa ee markaas ay wada socdaan,  kuwaas oo  afar sano dalka burburiya markii la doorto, miishii la rabay inay dalka badbaadiyaan iyo  naftooda ee waxay firiiyaan dantooda Gaarka ah, sidoo kale  Waxaan iyana jirta in  kuwa marka danbana qabta
Dowlada  ee waxay sameeyaan Afartiis sano ee burburka ayey  bartii ka miisaan kuwa cusubi,  taasna waa burburin aan dalku Dib ugu soo noqon karin Dowladnimo.
Haddaba , Qurbo joogtaa waxaa kula talinayaa Oraahda oranaysa ” Inta Aadan Is Sharixin Shan Sano Joog Dalka,  si aad Dalkaaga iyo Dadkaaga aad wax u tartid Waxna u ogaatid”

W/Q: Farhan Yasin Mire    (isqootax)
isqootax@hotmail.com

Ka dhiibo fakirkaaga ….!!!!

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA