Boosaaso: (pp)- Magaalada Boosaaso oo ah Caasimada dhaqaalaha Puntland ayaa waxaa ka socda abaabul ay dowlada hadda jirta ku maamuusayso jiritaankeeda Afarta sanno ay soo hogaaminaysay Puntland, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka guud ee magaalada boosaaso , si looga hortago cid walba oo isku dayda waxyeelaynta ammaanka Puntland.
Wararka naga soo gaaraya deegaanada kale ee Puntland ayaa la sheegayaa inay aad u dagan yihiin , waxaana maanta oo ku beegan 8-da janaayo ay dhowr siyaasiyiin ah horay u sheegeen in dhibaato ay ka dhacayso deegaanada Puntland, haddii dowlada Puntland ay qaban weyso doorasho, haddalkaas ayaa u muuqda mid aan saamayn yeelan , laakiin shacabka Puntland inta wanaaga jecel ku abuuray Wal wal.
Arrinta kale ee Puntland aad looga hadal hayo ayaa ah in dowlada Puntland iyo shacabka intii taageersanaa ay ku guulaysteen nidaamka la rajaynayo ee Xisbiyada badan, halka mucaaradka ay ku guuldaraysteen inay la yimaadaan siyaasad wanaagsan iyo Luuqad wanaagsan oo ay kula loolami karaan dowlada haddda jirta oo Ergooyinkii Puntland bishii April ay ugu ansixiyeen dastuurka cusub ee Puntland iyo hal sanno oo dheeri ah oo dowladu sii hayso xilka , si barnaamijka xisbiyada badan looga hirgeliyo Puntland
Wadanku Xaaladiisu waa degan tahay, waxaana ku dadaalaynaa in Warar wixii soo kordha aan akhristayaasha ugu soo gudbin doono si hufan.
Puntlandpost, Boosaaso, PL