Wasiirka arrimaga dibada dowlada ederaalka ee Soomaaliya Fowsiyo ayaa ka cabatay in looga horyimi Barnaamijkii ay wateen, iyadoo sheegtay ” waxaan ku niri dowladaha IGAD anaga hanoo daba-fariistaan arrimaha dalkayaga, qaarna waanagu tageereen, qaar badana waa nagu diideen”.
Halkaan ka dhegeyso Waraysiga Fowsiya
Hadalka Wasiirada ayaa imaanaya Waqti ay la shir tageen iyada iyo Xasan Culusow , in maamulka Federaalku uu yahay mid aan ku soconayn Soomaaliya , loona baahan yahay in dalalka IGAD ay ku taageeraan arrinka daaqada looga saarayo ´Federaalnimada, iyadoo arrinkaas ay wadamada inta badan uga soo horjeesteen.
Dowlada hada jirta ayaa marka la fiiriyo habka ay u dhaqmayso ayaa waxaa niyad jab xoogan ku dhacay shacabka Soomaaliyeed intii qabtay in Soomaaliya ay rajo ka soo iftiimayso, waxaana dowladani ay la kulmaysaa waqtiyadan dad badan oo ka soo horjeeda siyaasadeeda iyo mudaaharaadyo laga abaabulayo meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya iyo caalamka intaba.
Puntlandpost.com