Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

NAIROBI: Mr. Kilonzo Musyoka oo sheegay in haddii loo doorto Madaxweynaha Kenya uu wax ka qaban doono Somalia
Posted to the Web Dec 23, 01:47


Nairobi (PP) - Musharraxa Xisbiga ODM Mr. Kolonzo Musyoka ee doorashooyinka madaxweynenimo ee dalka Kenya ayaa ka dhawaajiyay inuu ka shaqeynayo nabadda Somalia, isagoo sheegay in dhibaatada ka taagan Somalia ay tahay mid sii adkaanaysa.



Kilonzo Musyoka, wuxuu sheegay in haddii isaga loo doorto Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya ay dowladdiisu mudnaanta koowaad siin doonto barnaamijka dib u heshiisiinta Somalia, isagoo sheegay inuu wadahadallo ka dhex billaabi doono kooxaha isku haysta talada dalka Somalia.



"Waxaan dadaal weyn u galayaa inaan ka shaqeeyo nabad ka dhalata dalka Geeska Afrika ku yaalla ee Somalia, waana taas howsha ugu horreysa ee aan qaban doono, marka la ii doorto Madaxweynaha Kenya" ayuu yiri Musharraxaan oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu noqonayo Madaxweynaha cusub ee Kenya.



Sidoo kale; Musyoka, wuxuu ka dhawaajiyay inuu gacan weyn ka geysan doono in Bulshada Soomaaliyeed ay ka mid noqdaan bulshada Bariga Afrika, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay xaqiiqjin doonaan nabad ku soo laabata Somalia, isla markaana la mideeyo Shacabka Soomaaliyeed.



"Dajinta Xaaladda Somalia waxaan u adeegsan doonnaa khibrad, waxaana xoogga saari doonnaa inaan helno halka ay sartu ka qurunsan tahay, ayna ku booriyaan Soomaalida inay ka shaqeeyaan nabadda dalkooda" ayuu yiri Mr. Kilonzo Musyoka oo kula hadlayay taageerayaashiisa Garoonka Malindi ee Magaalada Nairobi.


Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail:
Jantiile@gmail.com

Sep 02 Journalist Stabbed To Death in Somalia’s Autonomous Puntland Region
Aug 27 Joint Statement condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Aug 18 Somalia's al Shabaab increases Kenya border raids
Aug 10 SRSG announces increased presence inside Somalia
Aug 04 Somali Islamists demand cash and jewellery for holy war

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software