BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

FAALLO: ISU-KAASHATADA DACAAYADDA PUNTLAND

January 13, 2012 9:52 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Beryahaan waxaan arkaynay guluf-dacaayadeed ka hor jeeda Puntland iyo madaxdeeda oo ay isku bahaysteen qaybo saxaafadda ka mida oo ay ku jiraan website-yo iyo TV-yo.

Sawirkii Bil-cagsiga ahaa ee Amiin Caamir ( Sanadka 2012-ka)

Waxaan xusi karaa TV-ga Somalichannel oo barnaamijkiisa PUNTLAND IYO MAANTA uusan ahayn wax kale balse dacaayad ku wajahan maamulka Puntland iyo madaxdooda. Sababta dadkoo dhan u muuqan karta ee aan saas u leeyahay waxaa weeye, TV-gu wuxuu caadaystey inuu mar kasta  barnaamijka soo fariisiyo laba qof oo isku fikir ka ah arrimaha Puntland aadna u buunbuuniya dhaliilaha maamulka, iyodoo ay ka mid tahay akhlaaqda saxaafadda in mawduuca laga hadlayo uu mar kasta u joogo qof ama cid difaacda ama wax laga weydiiyo, haddii kale arrinku wuxuu noqonayaa dacaayad ama xayaysiis khuseeya arrinka markaa laga hadlaayo.

Haddaba, waxaad mooddaa in uu sawir yahan Amin Caamir ku soo biiray iskaashatadan.

Sawirka kor ku xusan ee aan ka soo qaatay barta Internet-ka ee aminarts.com haddii aad u fiirsatid waxaa qofka arrimaha Puntland aad ugu dhuun daloola deg deg isu bedelaya fikirkii uu ka qabey ninka Sawir yahanka Soomaaliyeed ee Amin. Anigu waxaan ku jirey dadka maalin kasta booqda barta Amin Caamir, aaminsanna in Amin Caamir uu yahay nin sawir ku soo gudbiya waxyaabaha waaqica ah ee jira ee dhabta ah isagoo ka madax bannaan caadifad, nacayb iyo dacaayad, balse sawirka kore wuxuu muujinayaa siduu sawir yahanku markuu doono website-kiisa ugu adeegsado dacaayadda cidda uu la dirirsan yahay ama uu neceb yaha, innagoo in badan aragnay isagoo leh cidna lama dirirsani balse taasi ay beenowday..

Marka la fiiriyo arrimaha nabad gelyada, dhaqaalaha, isku xirnaanta bushada, maamul wanaagga iyo siyaasadda dibadda, waxaa laga markhaanti kici karaa in sawirka kor ku xusan uu yahay mid gebi ahaanba  dhinaca kale (caksi) u shaqaynaya oo uu garaafku hoos ka soo bilaabmayo.

Xaqiiqdii markii Puntland uu Madaxweyne Faroole qabtay waxay ku sifaysnayd saca sii dhimanaya ee 2011 dul saran marka la fiiriyo sawirka kore, waayo waxay maraysay in xitaa qabaa’ilkii dhistay Puntland aysan is haysan ee qolo waliba raadsanaysay meeshii ay Soomaaliya ka geli lahayd; macnaha waxaa lumay national cohesion wixii la oran jirey, tafaraaruqaasina wuxuu surro geliyey in maxkamadihii ka helaan Puntland qabaa’il badan oo u dagaallama. Taasoo aan manta jirin

In kastoo Madaxwyne Cadde Muuse uu hirgeliyey mashaariic muuqda oo maanta bulshada reer Puntland ka faa’iideystaan sida Maxsharka (halka xoolaha lagu xannaaneeyo intaan la dhoofin), dhismaha Airport-ka Boosaaso iyo kuwo kale, uuna sidaa ku noqday masuulka ay reer Puntland ugu xasuusta badan yihiin dhinaca dhaqaalaha ilaa hadda, haddana waxba may tarin waayo waxaa lunsanaa waxyaabihii ka muhiimsanaa sida nabad gelyada.  Dawladda Madaxweyne Faroole ugama darin dhaqaalaha Puntland.

Maanta adduunkoo dhan ayaa ka markhaanti kacay in nabad gelyada Puntland tahay mid la isku hallayn karo. Wakiilka qarammada midoobey ayaa qiray arrinkaas kuna taliyey in xafiiska siyaasadda Qarammada Midoobey loo soo raro Puntland; shirarkii siyaasadda Soomaaliya ee lagu qaban jirey dibadaha ayaa Garoowe lagu qabtay iyadoon ciidamo ajnabi ahi nabad gelyada sugayn; dadka iyo gaadiidka Soomaaliyeed baa si deggan isaga kala goosha daafaha Puntland iyagoon wax dhib ah la kulmin. Isku soo duuboo, mar mar wax la oran karo nabad gelyaday wax u dhimayaan waa ka dhacaan Puntland sida qof muhiim ah oo ladilo ama meel la qarxiyo taasoo meel kasta ka dhacda, balse nabadgelyada maanta ayaan qof waaqici ahi sina u barbar dhigi Karin tii sannadkii 2009kii, xilligaasoo ay xitaa abuurmeen ciyaal burcad ah oo ka qaraaban jirey waddooyinka caasimadda Garowe habeenkii.

Maamulka Madaxweyne Faroole wuxuu leeyahay hay’ad u xilsaaran maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta,taasoo aysan lahayn maamulladii ka horreeyey. Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda ayaa si buuxda u shaqeeya isagoo Dr Faroole ku caan baxay inuusan faragelin go’aammada ay qaadanayaan masuuliyiinta hay’aduhu.

Siyaasadda dibadda ayuu Dr Farole si weyn uga dhisay Puntland isagoo booqashooyin rasmi ah ku kala bixiyey dalalka Yemen, Kuwait, Italy, Djibouti, Ethiopia, Turkey, USA, Ingiriiska iyo kuwo kale. Waxaa tan tusaale ahaan kaaga filan in Xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobey Ban Ki-moon oo aan awal aqoon wax Puntland la yiraahdo uu hadda khudbooyinkiisa ku darsado nabad gelyada iyo horumarka ka socda Puntland mar kasta oo uu Soomaaliya ka hadlaayo.

Gabagabadii, dabca ma jiro qof ama maamul aan dhaliil lahay, hase yeeshee haddaan indhahaagu Amiinow wanaagga qabanayn waa dhibaato. Sidaa darteed waxaan oran lahaa war markaad wax dhaliilaysaan dadka reer Puntland waa idinla socdaane cadaawad ha ka samaysannina, waayo sawirkaaga kor ku xusan oo kale waa ka badbadin iyo duullaan qaawan oo xaqiiqda ka fog  oo ay hogaanka u hayso dan shaqsi iyo caadifad nacayb ku salaysan. Waxaan rajaynayaa in maqaalkani sixi doono gaar ahaan Amin Caamir, waayo sawirku wuu ka saamayn badan yahay oraahda ama qoraalka iyo wixii lamida, uuna raalli gelin siin doono dadka reer Puntland waayo xumaan ayuu u rajeeyey.

C/casiis Maxamuud Macallin

Kala xiriir: sharaf85@hotmail.com

NB: Aragtida maqaalka xaquuqdiisa waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA