BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

FAALLO: Muxuu Yahay Farqigga U Dhexeeya Xisbi Siyaasadeed Iyo Urur Siyaasadeed, Goormaase Urur Siyaasadeedku Uu Noqon Karaa Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah?

December 12, 2012 8:27 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Faallo: (pp)- Tan Iyo Intii Dowladda Puntland Ay Ooda Ka Qaaday Si Rasmi Ahna Ay Uga Dhawaaqday Furashadda Ururadda Siyaasadda Ee Puntland, Waxaa Kusoo Badanayey Shabakadaha Wararka Soomaalida Gaar Ahaana Kuwa Puntland Iyo Barta Isku Xirka Bulshadda Ee Facebook-ga Hadal Haynta Amuuraha Ku Saabsan Furashadda Ururadda Siyaasadda Ee Puntland.

Haddaba Hadal Hayntaas Waxaa Hareer Socday Faham La’aan Aad Moodo In Bulshaddu Ay Ka Qabto Macno Ahaana Aysan Kala Saari Karin Waxa Loola Jeedo Xisbi Siyaasadeed ama Urur Siyaasadeed, Maadama Shabakadaha Wararku Qaarkoodna Qoraan Xisbi Siyaasadeed Puntland Looga Dhawaaqay, Halka Qaar Kalana Ay Qoraan Urur Siyaasadeed Puntland Looga Dhawaaqay, Taas Oo Dad Badan Ku Keentay Jahwareer. Sidaas Darteed Anoo Ka Duulaya Doodahaas Tixraacayana Dastuurka Puntland Iyo Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Waxaan Jeclahay Inaan Bulshadayda U Sharaxo Fahamsiiyana Waxa Ay Kala Yihiin Urur Siyaasadeed ama Xisbi Siyaasadeed, Iyo Goorta Urur Siyaasadeed Uu Noqon Karo Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah.

Waa Maxay Urur Siyaasadeed?

Fahamka ama Qeexidda Macnaha Dhabtaa Ee Urur Siyaasadeed Waxaa Weeye, Markii Koox Kamidda Bulshadda Sida Aqoonyahaniin ama Siyaasiyiin ama Ganacsato ama Dad Caadiyaba Ay Mabaa’dii Siyaasadeed Iyo Xeer Gooniya Ay Dhigtaan Kuna Hishiiyaan Dabadeedna Ay Meel Fagaaro Ah Uga Dhawaaqan Ujeedooyinkooda Siyaasadeed Iyo Hadafka Ay Tiigsanayaan Oo Ah Inay Mustaqbalka Noqdaan Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah, Kolkaas Ayaa Loogu Yeerayaa Urur Siyaasadeed.

Waxaa Kaloo Urur Siyaasadeedka Lagu Tilmaamaa Inuu Yahay Biloowga Geedigga ama Hayaanka Uu Urur Walba Ugu Jiro Inuu Noqdo Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah, Waana Himilo Urur Siyaasadeed Walba Hiigsanayo Doonayana Inuu Gaaro.

Waa Maxay Xisbi Siyaasadeed?

Xisbi Siyaasadeedku Waa Darajadda Uu Urur Siyaasadeed Walba Doonayo Inuu Gaaro,Aqoonsiga Xisbi Siyaasadeedkuna Wuxuu Ka Dhashaa Guusha Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Ee Uu Gaaro Urur Siyaasadeed Walba, Kolkii Urur Siyaasadeed Walba Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Uu Ka Helo Codadkii Laga Rabay Ayuu Noqon Karaa Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah Markaas Ayaana Loogu Yeerayaa Xisbi Siyaasadeed.

Xagga Mabaa’diida Siyaasadda Iyo Xeerarkana Waa Iskaga Mid Inta Badan Maadaama Uu Urur Walba U Halgamayo Inuu Noqdo Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah, Laaakin Waxka Badalka Barnaamijyadda Siyaasadeed Ee Xisbi Doonayo Inuu Waxka Badalo Waxay Ku Xiran Tahay Guushiisa Xisbinimo Inuu Xaqiijiyo Marka Hore Si Uu Fursad Ugu Helo Barnaamijkuu Doono Inuu Waxka Badali Karo Bulshadana Uga Dhaadhicin Karo.

Goormaa Urur Siyaasadeedku Noqon Karaa Xisbi Siyaasadeed Rasmi Ah?

Sidda Ku Cadd Dastuurka Iyo Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland Urur Siyaasadeed Walba Wuxuu Noqon Karaa Una Gudbi Karaa Xisbi Siyaasadeed Kolkii uu uBaratamo Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Ee Puntland, Dabadeedna Uu Kamid Noqdo 3-da Urur Siyaasadeed Ee Ugu Codadka Badan Doorashooyinkaas. Waayo 3-da Urur Siyaasadeed Ee Ugu Codad Bata Doorashooyinka Degaanka Ayaa Noqonaya ama Isku Badalaya Xisbiyadda Siyaasadda Ee Rasmigaa Oo Puntland Kajiri Doona,Kolkaas Ayaa Loo Aqoonsanayaa Inay Yihiin Xisbiyo Siyaasadeed Oo Rasmi Ah Maadaama Ay Kasoo Gudbeen Marxaladii Ururnimo Ayna Gaareen Darajadii Xisbi Siyaasadeednimo.

Marwalbana Xisbiyadaas 3-da Ah Waxay Ku Loolami Doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Doorashooyinka Madaxda Sare Ee Puntland, Sidaas Owgeed Xisbi Walba Wuxuu Isku Dayayaa Inuu Ku Guulaysto Oo Helo Aqlabiyadda ama Inta Badan Kuraasta Baarlamaanka Puntland Si Uu Markaas Fursad Ugu Helo Inuu Soo Dhiso Dowladd Cusub Wuxuuna Noqonayaa Xisbigaas Markaas Kadib XISBI XAAKIMKII PUNTLAND ama XISBIGA MUXAAFIDKA Ah Halka 2-da Xisbi Oo Kalana Ay Noqon Doonaan XISBIYO MUCAARAD Ah.

Gabagabadii:

Akhristayaasha Sharafta Leh Waxaan Filayaa Inaan Si Buuxda Oo Faahfaahsan Aan Idiinku Iftiimiyey Farqiga U Dhexeeya Urur Siyaasadeed Iyo Xisbi Siyaasadeed, Iyo Waliba Qaabka Uu Kusoo Bixi Doono Xasbi Xaakimka Puntland, Waxaana Rajaynayaa Hadda Kadib Inaad Si Fiican U Kala Saari Doontaan.

W/Q. Ahmed Abdirahman Aden Dalab(Fashion)

ahmedfashion@hotmail.com

–> Qoraalkani wuxuu u gaar yahay qorgaa ku saxiixan, wuxuuna akhrisyeyaasha usoo gudbiyey faraqa u dhaxeeya Xisbi iyo Urur

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA