BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAALKACAYO: Dablay kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacayo oo 3-qof ku diley Waqooyiga Gaalkacayo.

February 19, 2013 7:29 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Gaalkacay: (pp)- Wararka ka imaanaaya Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaaya in xalay ay kooxo hubaysan Magaalada Gaalkacayo ku dileen Sadex qof oo ku cawaynaysay goob Meherad ah oo ku taala Xaafada Garsoor .

Gaalkacayo, oo dad lagu laayey.

Gaalkacayo, oo dad lagu laayey.

Nimankan Rasaasta ku furay dadkan Meherada ka qaxweynaayey ayaa watey gaari waxayna markiiba u baxsadeen Xaafada Koonfureed ee Magaalada Gaalkacayo sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan Magaalada Gaalkacayo, Sadexdii qof oo dhamaantood rag ahaana waxay ku naf baxeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacayo.

Markiiba waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska ee Magaalada Gaalkacayo waxayna bilaabeen biraataano ay ku raadinayaan dambiilayashii falkan geystay walow aan lasoo sheegin cid ay illaa iminka u qabteen falkaasi.

Werarka noocan ah ayaa noqonaaya kii 2-aad oo Asbuuc gudihii ka dhaca Gobalka Mudug ayna geystaan Maleeshiyaad kasoo talaaba Koonfurta Gaalkacayo,Majiro ilaa iminka war kasoo baxay Maamulka Gobalka Mudug iyo Dawlada Dhexe Puntland Inkastoo la filaayo inay ka hadlaan wakhtiyada soo socda.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA