BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAALKACYO : Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo booqdey Guryo dhanka Galmdug laga soo duqeeyay

December 7, 2012 10:32 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Gaalkacyo:-Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta booqdey Laba guri oo Madaafiic looga soo gaaracey dhanka maaamulka Galmudug, waxeyna sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhibaatada dadkan loo geystey, walow, aysan cidna wax ku noqon.

Guryahan, oo saqafkii daloosheen madaafiicdu ayaa waxaa ka muuqda burbur dhanka saqafka iyo waliba dhismaha, nasiibwanaagse wax bini-aadam ah waxba kuma noqon.

Masuuliyiintan, ayaa baaq u jeediyay maamulka Galmudug waxaana ay sheegeen in ay arimahan ka waantoobaan, haddii ay soo noqnoqdaana aan Maamulka Puntland u dulqaadaneyn oo aysan raali ka noqon in la Madaafiic lagu garaaco dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA