BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAALKACYO: Mid ka mid ah Waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

December 28, 2012 11:08 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Gaalkacyo: (pp)- Waxaa magaalada Gaalkacyo ee Xarrunta gobolka Mudug lagu dilay Allaha u naxariistee Gaoobe Aadan Dalab oo ka mid ah dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

GaalkacyoLama garanayo illaa hadda cida ka danbeysay dilka marxuumka , inkastoo daqiiqado kaddib dilkiisa ay meesha soo gaareen ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo dadka weydiinaya warbixino ku aadan dilka Marxuumka.

Magaalada Gaalkacyo oo ay aad uga yaraadeen dilalkii qorshaysnaa,  ayaa haddana mararka qaarkood waxaa dilal lala beegsadaa dadka waxgaradka ee magaalada ku nool, waqti magaalada Gaalkacyo ay joogaan ciidamo xoogan oo loogu talogalay inay ammaanka wax ka qabtaan.

 

Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA