Gaarisa: (pp)- Guddoomiyaha Degmada Gaarisa Maxamed Macalin ayaa saxaafada u sheegay in Gelinkii danbe ee Shalay deegaanka Lagdheer lagu qabtay dad Soomaali ah, kuwaas oo Hub usoo waday magaalada Gaarisa , si wax loogu yeeleeyo dadka ku nool magaalada Gaarisa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii Hubkaas wadatay qaarkood ay baxsadeen, intii lagu jiray Baaritaanka, halka Lix ka mid ah dadkaasi iyo hubkooda ay gacanta ku hayaan , lana baarayo iyaga iyo Hubkaasi meesha ay kala yimaadeen.
Guddoomiyuhu waxa kale uu sheegay in Hubkaas laga soo geliyey dhanka Soomaaliya, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in Hubka la qabtay ay ka danbeysay kaddib markii dowlada Kenya ay xoojisay Xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya si loo sugo ammaanka, indhaha-na loogu hayo Hubabka kasoo galaya guddaha Soomaaliya , si ammaanka loo xoojiyo.
Puntlandpost, Gaarisa, Kenya