BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GALGALA : 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland oo qarax Miino lagu diley

December 5, 2012 11:10 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Galgala:-Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa waxey ku geeriyoodeen qarax Miino la dhigey wadada dhinaceeda oo ku qaraxdey gaarigii ay saarnaayeen, kadib markii Ciidanka Puntland iyo Al-shabaabka Galgala ku sugan ay dagaalameen oo sida uu sheegey Wasiirku laga itaal roonaadey Al-shabaab.

Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Amniga Puntland

Wasiirku, waxa uu sheegey in dhinaca Al-shabaab ay ka dileen ugu yaraan 7 qof  kuwo kalan ay dhaawaceen,  kuwa kalana ay baacsanayaan oo ay ku raadjoogaan.

Ciidanka Puntland, oo diyaarsan ayuu sheegey in la isku dayay in la gaado hase ahaatee ay iska caabiyeen Kooxdii Al-shabaabka ka tirsaneyd ee weerarka soo qaadey.

Khaliif Ciise Mudan, waxa uu sheegay in ay direen Ciidamo badan kuwaas oo ugaarsanaya Al-shabaab, waxaana uu sheegey in natiijada warkaasna ay  Warbaahinta la socodsiin doonaan.

Halkan ka akhri Warsaxaafadeed dagaalkan ku saabsan oo Puntland oo saarsatey

Indhawaale, ayaa la hadalhayay in Al-shabaab ay isku uruursanayaan buuraleyda Galgala, kadib markii Koonfurta dalka looga itaal roonaadey.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA