BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GALGALA : Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigey Saldhig muhiim ah oo lahaayeen Al-shabaab

December 10, 2012 10:31 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Galgala:-War ka soo baxey Puntland ayaa lagu sheegey in Ciidanka Puntland ee sida gaarka ah u tababaran oo kaashanaya Sirdoonka ayaa waxaa la sheegey in saacadihii hore ee Habeenkii Jimcaha ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku leeyihiin Buuraha Golis oo ay dabamareen Cadawga, ayna dad badan ka laayeen kuwo kalana dhaawacen, intii harteyna ay jihooyin kala duwan u kala carareen, waxaana la sheegey in Cidanka Puntland uu gacanta u galey Saldhig ballaaran kaas oo waxyaalo badan oo wax lagu qarxiyo ama lagu dilo, Daawo iyo Saheyba u taaley Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Buuraha ay Ciidanku weerarka ku qaadeen ayaa lagu sheegey in ay u dhow yihiin deegaanka Ceel-dibir iyo Dudun kuwaas oo dhanka Waqooyi ka xiga Tuulada Galgala 45Km.

Halka ka akhri warbixinta ka soo baxdey Puntland oo Af English ah:

Weerarka lagu qaadey Al-shabaabka Golis,  ayaa la sheegey in uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Puntland Al-shabaab soo weerareen 05-12-12.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA