Garacad:-Taliyaha Ciidanka La dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Col. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa waxa uu sheegey in deegaanka Garacad ay Ciidankooda ku soo weerareen Burcad-badeed oo ay iska caabiyeen dabadeedna ay ka dileen 3, 4 kalana ay ka qabteen.
Taliyuhu, waxa uu sheegey in ay la dagaalamayaan Burcad-badeeda, waxa uu sheegey in heystaan Maraakiib ayna doonayaan in ay xoog ku soo furtaan, waxa uu sheegey in dadka deegaanka ay taageereen hawlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda oo ay ka soo horjeedaan Burcad-badeeda oo aysan wax taageero ah aysan siin.
Waxa uu sheegey in ay sameynayaan hawlo bini-aadantino oo ay doonayaan in ay ku bad-baadiyaan Maraakiibta iyo dadka sida xaqdarada ah lagu heysto.
Ciidanka la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland ayaa tan iyo intii la dhisey waxa ay wadeen ka hortaga iyo la dagaalanka Burcad-badeeda, iyada oo boqolaal Burcad-badeed ah Xabsiga dhigey iyaka oo intooda badan la xukumey inta kalana ay xukun sugayaal yihiin.
Hawlgaladan, ayaa hoos u dhigey xawligii ballaarnaa ee Burcad-badeeda Soomaalida ee Xeebaha Puntland.
Puntlandpost.com