BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GARISA: 7-qof oo lagu diley Gobalka W/Bari ee Dalka Kenya.

February 21, 2013 11:36 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Garisa: (pp)- Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan Dawlada Kenya waxaa saakay Saladii subax tuulo u dhow Degaanka Liboy ee Dalka Kenya lagu diley 7-qof oo 5-kamid ah ahaayeen rag halka 2-kamid ahna ahaayeen Dumar, Dadkan ayaa waxaa la toogtey xili ay Salaadii subax kasoo baxeen Masaajid ku yaala tuulada lagu Magacaabo Malele oo ku taala Gobalka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

ke

Weerarkan ayaa waxaa soo qaaday rag la sheegay inay ku hubaysnaayeen qoriga AK47 loona malaynaayo inay kasoo talaabeen xadka Soomaaliya sida uu Warbaahinta u sheegay Tiyaha Booliska Gaarisa Maxamed Macalim,  Waxaana tirada Dablayda falka geysatay lagu qiyaasay 10-nin, Dadkan la laayey ayaa dhamaantood ahaa dad Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Gobalka Waqooyi bari mana jiro cid ay ciidamada boolisku u qabteen dilkaasi waxayna wararku intaas ku daraayaan in dablaydii weerarka soo qaaday ay u baxsatay Dhinaca Dalka Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan tuulada uu dilkani ka dhacay ayaa la jahawareersan sababta loo beegsaday dadkan rayidka ah ee aan waxba galabsan , Waxaana dadka degaanka lasoo daristay cabsi xoog badan iyadoo ay iminka degaankaasi gaareen cutubyo katirsan Ciidamada Dawlada Kenya halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Falkan ayaa qayb ka ah falal isugu jira Dilal,Qaraxyo iyo Afduubyo wayaadii u dambaysay ka dhacaayey Dalka Kenya waxayna Dawlada Kenya Horay falalkan ugu eedaysay kooxda Al-shabaab iyadoo ciidamadeed gudaha u gelisay Dalka Soomaaliya si ay u dhinto khatarta kaga imaanaysa Dalkaasi.

puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA