Keatin:-“Shaqa La’aanta Heysata dhalinyaradda waxa ay mareysaa heerkii ugu Xumaa”

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaablisan Soomaaliya Micheal Keatin ayaa sheegay in shaqa la”aanta Dhalinta Soomaaliyeed heesata ay mareyso heerkii ugu sareyeeyey ebad inta la ogyahay wadan dhalinyaradiisa ay soo wajahdo.

Waxa uuna Hay’addaha Dowliga ah iyo Kuwaan Dowliga aheyn ugu baaqay in dhalinta Soomaaliyeed ay la garab istaagaan dhaqaallo Ganacsi ay ku abuurtaan, Tababaro Xirfadahooda sare loogu qaadayo si ay ugu shaqeysataan iyo waxbarasho bilaash ah si ay ugu dhiiradaan in ay waxbartaan.

Mr Keatin waxa uu sheegay in dhaqan gelinta lagu sameeyo xirfadaha dhalinta soomaaliyeed in ay horseedeyso bararaha Mustaqbalka dhalintaasi iyo dalkoodaba.

“Heerka Shaqa la’aanta dhalinta soomaaliyeed waxa ay mareysaa heerkii ugu sareeyey waxaana sababay dhalinta oo aan wax loo barin sidii loo baahnaa, tababaro ku filan oo aan la siin, iyo fursadaha maalgashiga ganacsiga oo aynan helin” Sidaasi waxaa yiri Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatin.

Hadaliisaas ayuuna kusoo beegay maalinta caalamiga ah ee xirfadaha dhalinta adduunka oo shalay ku beegneyd, isagoo sheegay in heerka shaqa la’aanta dhalinta Soomaaliyeed ay ku hami weynyihiin in ay wax ka badalaan sanadka soo socda oo uu sheegay in si sidaan ka duwan soomaaliya loogu dabaal degi doono maalinta caalamiga ah ee xirfadaha dhalinta adduunka.

Marka loo eego qiyaasihii ugu dambeeyey  oo ay sameesay Hay”adda Shaqaalaha Adduunka (ILO),  ee hoostagta Qaramada Midoobe  shaqa la’aanta dhalinta soomaaliyeed heesata waa mid mareyso heerkii ugu sareeyey iyadoo intaasi ku dartay in dhalinta soomaaliyeed ay kaliya 33% yihiin kuwo shaqeeyo, taasi oo micnaheedu tahay 77% oo kamid ah dhalinta Soomaaiyeed in aynan shaqeyn.

Keatin ayaa sheegay in mashaqada ugu xun dhalinta soomaaliyeed ay ka heesato in ay bartaan xirfado isku mid ah badalkii ay baran lahaayen xirfado kala duwan, taasi oo uu yiri waxa ay keeneysaa in dhalinta dadka loo shaqeeyo ay u baahanyihiin ay shaqaaleysiinayaan dadkii ay doonaan.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaablisan Soomaaliya Micheal Keatin ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Qaramada Midoobe ay wado dadaalo ay Sare ugu qaadeyso xirfadaha dhalinta Soomaaliyeed oo uu socdo qorshe Qm ay ku bixineyso lacag gaareyso   17.5 million oo Dollars lacagahaaasi oo uu sheegay in wax lagu bari doono.

PUNTLAND POST