BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Ardey dhameysatey tababar Farsamada gacanta ah oo Shahaadooyin la guddoonsiiyay

December 2, 2012 11:48 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Hoolka PDRC Garowe ayaa shahaadoyin lagu gudoonsiiyay 40 arday kuwaas oo dhamaystay tababar saddex bilood ah oo lagu barayey Faryaamada ,Fuudnimada iyo korontada kuwaas oo ka baxey dugsiga farsamada gacanta Garowe ee (GVTC).


Mashruucan oo NCA kala kaashaneyso Wasaarada Cadaalada ayaa saddex sano ee la soo dhaafey waxa ka qaybgalay dhalinyaro laga keeney deegaan xeebeedyada Bossaso ,Baargaal, Bandar Beyla,Xaafuun iyo Eyl ,waxana looga danleeyahay dhalinta in laga jeediyo falalka amni darro oo burcad badeedu ugu horeyso.

Munaasabadaan qalinjabinta ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socostey Wasaarada Cadaalada Puntland, Waxbarshada, Wasiirka maamul wanaaga , Macaahida Waxbarashada,hayada NCA , ganacsatada , Ardyada dugsiga ka qalinjabinayay iyo marti kale oo la casumey.

Yuusuf Cabdiqadir madaxa NCA Somalia ayaa waxa uu sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in tababarkan uu soo xirmo, waxaana uu sheegey in uu rajeynayo in muddo 3 sano ah oo dambe uu sii socdo, islamarkaasna uu ka fuli doono 5 Degmo, waxa uu sheegey in la tababarayaashu ay 50% ay haween noqon doonaan.

Eng.Maxamed Diiriye Laalac madaxa dugsiga farsmada gacanta ayaa sheegay in dugsigu dowr wayn ku leeyahay soo saarista dhalinyarada xirfadaha taqaan Puntland oo qayb ka yihiin 40-ka maanta shahaadooyinka la siinayo.

Agaasimaha Waaxda mashaariicda iyo tababarada Maxamed Cali Faarax ayaa tilmaamey in deegaanada Puntland ka hirgalinayan inta uusan dhamaan sanadkan waxbarashada farsamada gacanta ayna wax ku bari doonaan dhalinyarada xirfado noloshooda ku maareeyaan.

Wasiirka Cadaalada Dr,Cabdi khaliif Ajaayo ayaa soo dhoweeyey mashruucan xirfada gacanta lagu barayo dhalinta ka kala yimid gobolada Puntland.

Shirkada Korontada NEC ayaa balanqaadey xaflada inta ay socotey inay shaqaaleysiin doonto dhalinyarada baratay korontada halka kuwo kalena ay horey uga shaqeyn jireen.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA