BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in la iska dhiciyo kooxda Al-shabaab.(Cod+Qoraal)

February 19, 2013 11:01 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Hirsi

Garoowe: (pp)- Bayaan ay maanta kasoo saareen Culimada Soomaaliyeed Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland ayaa umadda Soomaaliyeed loogu baaqay inay meel uga soo wada  geestaaan  kooxda Al-shabaab ee dhibaatada ku wada umadaa Soomaaliyeed gar’ahaan haldoorka umadda oo ay sheegeen culimadu inay kooxdaasi si gaar ah u gaarsanayso.

Culimada oo ku baaqay in la iska dhiciyo Al-shabaab.

Culimada oo ku baaqay in la iska dhiciyo Al-shabaab.

Shiikh Axmed Cabdisamad oo akhriyey baayaanka Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Al-shabaab usoo tafa xaydatay sidii ay u dabar goyn lahayd inta wax kala taqaan ee ku jirta umadda Soomaaliyeed wuxuuna umadda ugu baaqay inay ka hortagaan iskana dhiciyaan kooxdan Hororka ah,  Wuxuu ugu baaqay Maamulada iyo Qabaailka Soomaaliyeed inay iska dhiciyaan kana hortagaan fidnida Al-shabaab.

Shiikha ayaa baayankan ku sheegay inaysan Al-shabaab jirin cid ay dhaafayso hadii ay ahaan lahayd Culimo,Aqoonyahan,Isim,Dhalinyaro,Haween iyo haldoor kasta oo ku jira umadda Soomaaliyeed, Waxaana loogu baaqay umadda inay ka digtoonaadaan cabsi gelinta, Niyad jabinta, Dulaynta iyo Dhibaataynta ay Al-shabaab ku hayso umadda Soomaaliyeed,

Sidoo kale Culimada ayaa bayaankan ku sheegay inaysan kooxaha dilaaya dadka aan loo nisbayn karin qabaailka ay kasoo jeedaan hase ahaate yihiin shaqsiyaad lagu shubay fikrado khaldan waxaana beelaha Soomaaliyeed loogu baaqay inay ka feejignaadaan isku dirka beelaha Soomaaliyeed ee ay wado kooxda Al-shabaab,  Waxayna Culimadu  siweyn u cambaareeyeen Gaalaysiinta umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxayna sheegeen in kooxda Al-shabaab ay ku been abuuranayaan Illaahi abuurtay.

Culimadda bayaanka soo saaray ayaa sheegay in kooxaha dilaaya dadka iyo kuwa gacansiinaaya ay isku dambi yihiin laguna wada qaadaayo hal dambi, Iyagoo dadka qaarabada la ah dadkaas uga digey inay difaacaan dambiilayaasha markii gacanta lagu soo dhigo waxayna ku baaqeen in dadkaas la mariyo wax ay diinta islaamku ku waajibisey.

Ugu dambayntii bayaankan ayaa loogu Mahadceliyey Dawladaha Puntland,Federalka iyo Soomaliland oo gacan ka gaystay wax ka qabashada arxan lawayaashii Diley Allaha u naxariistee  Shiikh C/qaadir Nuur Faarax.

Tiro badan oo kamid ah Culimadda Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyagoo u yimi aaskii Allaha u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur  Faarax oo ay kooxo arxan la wayaal ah ku dileen Magaalada Garoowe, wuxuuna baaqani imaanaya xili lagu baaqay Shirweyne guud oo ay iskugu yimaadaan Culimada iyo Qaybaha kale ee Bulshada si meel looga wada istaago falalkan ka dhacaaya Dalka Soomaliya.

Halkan ka dhageyso warsaxaafadeedkii culimada

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA