Garoowe:-Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashada Puntland ayaa ku kordhiyay diiwaan galinta Ururada muddo 21 maalmood ah iyaka oo sheegey in ay la tashiyo la sameeyeen Waxgaradka gobolada Puntland ayna u soo baxdey in dib loo dhigo muddo maadaama ay dadku u heelan yihiin sameysashada Ururo Siyaasadeed.
Iyada oo xiligii markii hore Guddigu sheegey in ay ku egtahay 10-ka Decembar, ayaa qoraalka Guddiga lagu sheegey in codsiyo kaga yimaadeen qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Halka ka daalaco Warbixinta Guddiga oo dhameystiran:
Guddiga, ayaa soo jeediyay in mudadan ka hor daneeyaashu ay soo dhameystiraan dhamaman soo dhameystiraan shuruudaha laga doonayo diiwaan galinta Ururada.
Puntlandpost.com