BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Guddiga Doorashada Puntland oo sheegey in ay dhammaatey wakhtigii diiwaan-galinta Ururada Siyaasada iyo 6 Urur oo Shuruudihii buuxshey

December 31, 2012 5:42 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Guddiga Doorashada Puntland oo maanta warbaahinta la hadley ayaa sheegey in ay dhammaantey wakhtigii diiwaan-galinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Bare

Maxamed Xassan Barre Guddoomiyaha Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa waxa uu sheegey in maanta ay ku egtahay diiwaan-galinta Ururada Siyaasadda ee Puntland, waxaana uu sheegey in horey ay wakhti dheeraad ah ay ugu dareen diiwaan galinta taas oo maanta ku ekeyd.

g

Waxa ay halkaasi ka sheegeen 6 Urur oo sida ay sheegeen buuxshey Shuruudihii looga baahnaa kuwaas oo kala ah:

Horseed

Horucad

Midnimo

Wadajir

UDAD

PDP.

Ururadan, ayaa waxaa lagu wadaa in ay u tartar tamaan Golayaasha Degmooyinka 3-da ugu Xubna badana waxa ay noqdaan Xisbiyada Siyaasadeed ee rasmiga ah ee u tartamaya madaxtinimada Puntland.

 

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA