BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Guddiiga Doorashada Puntland oo ka warbixiyay meesha uu marayo Shirweynaha ansixinta Dastuurka Punland

April 17, 2012 5:08 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland Maxamed Xassan Barre oo hoolka uu shirku ka socdo kula hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shirweynaha ansixinta Dastuurka Puntland uu u socdo si habsimi leh oo Ergooyinku ay aad uga doodayaaan qodobada Dasduurka.

Maxamed Xassan, waxa uu sheegay in shalay laga dooday 100 qodob islamarkaasna su’aalo laga waydiiyay Guddiga Doorashada ayna si wanaagsan uga jawaabeen Su’aalihii la waydiiyay.

Maanta, ayaa inta dhiman laga doodi doonaa si dhammaan qodobada oo dhan loo qaadaa dhigo, waxaana cod loo qaadi doonaa maalinimada barri ah haddii Eebe idmo.

Ergooyinka ansixinta Dastuurka cusub ee Puntland ayaa iyaku waxna ka badali karin waxna ku kordhin karin Dastuurka, kaliya waxa ay leeyihiin haa ama maya, waxaase la filayaa in cod gacan-taag ah oo aqlabiyad ah ay ugu coddeeyaan Dastuurka maalinimada barri ah.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA