BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Guddoonka Baarlamaanka PL oo ka hadlay khilaafka Baarlamaanka DFKS

January 7, 2012 10:53 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane, Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka DFKS ku tilmaamay wax laga xumaado oo ceeb ah oo aan ku wanaagsanan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Somaliyeed, isaga oo soo jeediyay in la dhammeeyo khilaafka soo noqnoqday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka PL oo ka hadlay khilaafka Baarlamaanka DFKS

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa waxa uu codsaday in degdeg ah loo dhammeeyo khilaafkan, lana ilaasho sumcadda iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horaysay ee Guddoonka Baarlamaanka Puntland uu ka hadlo khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Baarlamaanka DFKS ee fadhigiisu yahay magaalada Muqisho.

Baarlamaanka DFKS, ayaa isgacan-qaaday 4 jeer muddo bil gudaheed ah,  Xildhibaanada xilka ka qaaday Shariif Xassan, ayaa todobaadkan doortay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Madoobe Nuunuw.

M-waynaha DFKS S Skheekh Shariif Skheekh Axmed ayaa isagu ka soo horjeesaday xilka qaadista Shariif Xassan iyo doorashada Guddoomiyaha cusub Madoobe Nuunow, wuxuuna ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso heshiiskii Kampala.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA