Garoowe:-Puntlandpost, ayaa maanta booqatay Hoolka wayn ee dhismuhu ku socdo ee ku dhexyaal xarunta Golaha Wakiiladda Puntland, kaas oo la balaarshay oo si wanaagsan oo casri ahna loo dhisayo, waxaana iminka ka socota shaqo ballaaran oo la doonayo in degdeg lagu dhamaystiro si loogu qabto ansixinta Dastuurka Puntland oo la iclaanshay in ay ay dhacayso 15-ka April.

Xoghayaha Golaha Wakiiladda PL Mr. Ismaaciil Maxamuud Warsame oo dhextaagan dhismaha Hoolka Golaha Wakiilada
Xoghayaha Golaha Wakiilada Mr. Ismaaciil Maxamuud Warsame oo aan hoolka dhexdiisa kula sheekaystay ayaa waxa uu ii sheegay in hoolkan uu ka kooban yahay qaybo badan oo ay ka mid yihiin qaybta, Xubnaha Golaha Wakiiladda, qaybta Xukuumada, qaybta martisharafta iyo Qaybta Saxaafadda, waxaana uu sheegay in uu qaadayo in ka badan 5OO oo qof.
Xoghayahu, waxa uu sheegay in gabi ahaantiisba ay Dawladda Puntland ay dhisayso Hoolka oo dhaqaalaha ku baxaya ay iyadu bixinayso, waxaana uu sheegay in la dhamaystiri doono ka hor 15-ka Apriil si loogu qabto ansixinta Dastuurka.
Eng. Cabdiqaadir Xaji Ciise Cumar oo ah maamulaha Shirkada Mubaarak ee dhisaysa Hoolkan ayaa waxa uu sheegay in uu dhamaystirayo mudada Dawladdu iclaamisay in lagu qabto doorashada Dasturka ka hor, waxaana uu sheegay in uu keenay shaqaale shisheeye ah oo aqoon u leh hirgalinta dhismayaasha casriga ah.
Dhanka kale, war hoose oo Puntlandpost heshay ayaa sheegaya in hay’adda Interpeace oo Puntland ka caawisa arimaha Doorashooyinka ay keentay Teendho aad u wayn oo lagu qaban doono ansixinta Dastuurka, iyada oo ay ugu wacan tahay in laga cabsi qabay in uu dhammaan waayo Hoolku.
M-waynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa xalay ku dhawaaqay in 15-ka April la isku keeni doono 48o Ergay kuwaas oo ansixin doona Dastuurka Puntland.
Puntlandpost.com