Garoowe: (pp)- Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa Labo maaddo ku kordhisay Manhajka Waxbarashada Puntland, maaddooyinkaas oo kal ah Nabadda iyo Dimoqraadiyada.
Wasaarada Waxbarashada ayaa sheegtay in maaddooyinkaas ay ka mid noqon doonaan Maaddooyinka ka bixi doona dugsiyada kala duwan ee ka jira Puntland, si dhalinta soo koraysa looga wacyigeliyo Nabadda & dimoqraadiyada , kuwaas oo loo arkay inay yihiin maaddooyin muhiim ah.
Ardayda & macalimiinta puntland qaarkood oo shalay ka qayb galay daahfurka buugaan ayaa si fiican usoo dhoweeyey Maaddooyinka lagu soo kordhiyey Manhajka Waxbarashada Puntland. Agaasimaha wasaarada waxbarashada Puntland Maxamed C/wahaab ayaa dhankiisa sheegay in maaddooyinkani ay waxweyn ka tarayaan dhismaha iyo adaabta ardayda soo koraysa.
Maaddooyinka diyaarintooda ayaa waxaa iska kaashaday hay’ada Cilibaarista Puntland iyo hay’ada Inter Peace oo Puntland ka taageerta dhanka kala talinta nabadda iyo Dimoqraadiyada.
Wasaarada Waxbarashada Puntland & hay’adaha ay wadashaqaynta ay leeyihiin ayaa sanadihii u danbeeyey dib u habayn ballaaran ku sameeyey Manhajka Waxbarashada Puntland, iyadoo aad loo xasuusto in wasaarada waxbarashada ay aad ugu dadaashay tayeynta & horrumarinta Tayada Tacliinta ardayda Puntland.
Puntlandpost.com