Garoowe:-Maalinta Naafadda adduunka oo ku beegan 03-12-12 ayaa lagu qabtey Hoolka Library-ga kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka PUNCHAD, waxaana maalgaliyay hay’adda Handicap International, waxaana halkaasi looga hadley sidii loo horumarin lahaa Naafadda iyo waxyaalaha u qabsoomey.
Cabdisamad Ibraahim Jaamac Madaxa Handicap International ayaa waxa uu sheegey in sanadihii ugu dambeeyay ay ku mashquulsanaayeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka Nafadda ah, waxaana uu sheegey in loo sameeyay Dalad isku xirta oo wax badan ka badashey sidii hore, maadaama marka ay dadku midoobaan ay wax badan qabsan karaan.
Waxa uu sheegey in halku dhaga Sanadkan uu yahay aan qaadno waxyaalaha xun-xun ee ku xeeran Naafadda, waxa uu sheegey in la ogaadey in ay Naafaddu waxbadan qabsan karaan si la mid ah dadka aan naafada aheyn, sidaasdarteedna meesha looga saaro wax kasta oo lagu liidayo Naafadda.
Guddoomiyaha Daladda ay ku bahoobeyn Nafadda Cali ayaa waxa uu sheegey in ay waxbadan qabteen mudada ay Daladan dhisneyd, waxa uu sheegey in ay Xafiisyo ku leeyihiin gobolada kuwas oo shaqeeya.
Waxa uu sheegey in muddooyinkan ay soo badanayaan dadka naafada ah sidaasdarteedna loo baahan yahay in waxqabadka la ballaarsho.
Waxa uu sheegey in markan la isla gartey in Naafaddu ay la mid tahay dadka caadiga ah oo ay sida ay wax u bartaan iyo sida ay u shaqeystaan oo kale ay sameyn karaan.
Ismaaciil Diiriye Agaasimaha hay’adda Daryeelka Bulshada Puntland ayaa waxa uu u mahadnaqey Ururka iyo hay’adda soo qaban qaabiyay munaasabadan, waxaana uu sheegey in iyaku dhiirigalinayaan Naafadda.
Maanta oo kale ayaa caalamka laga xusaa maalinta Naafadda, waxaan looga hadlaa Horumarka ay sameeyeen Naafadda iyo in meesha la saaro wax kasta oo takoor ah.
Puntlandpost.com