BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Maalinta Xuquul-insaanka oo la xusey

December 11, 2012 5:25 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Maalinta Xuquul-insaanka adduunka ayaa waxaa laga xusey magaalada Garoowe, waxaana xuskan oo ka dhacey Wasaaradda Haweenka ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana xuskan soo qaban-qaabiyay Ururka TIDES , waxaana si wayn looga hadley in dhibaato loo geysan Haweenka iyo Caruurta.

Kamaal Daahir oo ka tirsan TIDES, ayaa waxa uu sheegey in loo baahan yahay in Haweenka aan loo geysan tacadiyo oo la ilaasho xuquuqdooda, waxaana uu sheegey in si wadajir ah looga hortago gudniinka fircooniga ah oo ka mid ah dhibaatada heysata Haweenka.

Luul Jaamac Nuur Agaasimaha xiriirka gobolada Puntland, ayaa waxa ay sheegtey in Wasaaraddu ay mar kasta ku dadaasho in aan la dhibaateyn Haweenka iyo guud ahaan Qoysaska oo la ilaasho xuquuqdooda.

Faarax Ciise Gaashaan Wasiirka Maamulwanaaga Puntland ayaa waxa uu sheegey in Haweenku aysan mudneyn in la dhibaateeyo sidaas awgeedna la ilaasho xuquuqdooda, waxa uu sheegey dhibaatada ugu weyn ee iminka heysata ay tahay Gudniinka fircooniga oo dhibaato ba’an ku haya Haweenka.

Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Haweenka Puntland Xaliimo Xaaji ayaa waxa ay alaab guddoonsiiyay dad danyar ah, waxaa kaloo ay Koob guddoonsiisey Koox Kubadda cagta ah.

Xuquul-insaanka, ayaa laga xusaa Dunida oo dhan waxaana looga hadlaa dhibaatada loo geysto Haweenka iyo caruurta iyo sidii looga gudbi lahaa.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA