BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Madaxweyne Faroole oo ka tacsiyeeyey Geerida Suldaan Muuse Faarax Muuse.

February 2, 2013 1:59 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtoyada ee Magaalada Garoowe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo Guud ahaan dadka reer Puntland ee ka geeriyoodey Allaha u naxariiste Suldaan Muuse Faarax Muuse (Muuse Onkod) oo ay saakay barqadii kooxo hubaysani ku Dileen Magaalada Boosaaso, Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dilkaas ka dambeeyeen kooxo uu ku tilmaamay Nabadiidka Puntland

Madaxweyne Faroole oo ka tacsiyeeyey Geerida Suldaan Muuse.

Madaxweyne Faroole oo ka tacsiyeeyey Geerida Suldaan Muuse.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxihii Dilkan ka dambeeyey wuxuuna alle ka baryey inuu kashifo, waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii uu ka geeriyoodey Suldaanku iyo Guud ahaan dadka reer Puntland gaar’ahaan Beesha Muuse Saleebaan oo u ahaa Suldaanka Guud.

Madaxweyne Faroole ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in lasoo qaban doono kooxaha Dilkan ka damaabeeyey hadana ay ciidamadu hayaan raad la xiriira kooxaha Dilkan ka dambeeyey oo uu ku tilmaamay kuwo xalalaystay dhiiga Muslimiinta, wuxuuna sheegay inuu dilkan la wadaago Dilal horay loogu geystay Biri-magaydo badan oo lagu laayey Puntland ayna laayeen Kooxo dhiig Miirato ah.

Saakay ayey ahayd markii Magaalada Boosaaso lagu toogtay Allaha u naxariiste Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kamid ahaa salaadiinta ugu waaweyn Puntland waxaana Dilka Suldaanka Siweyn looga dareemay Gobalada Puntland.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA