BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Markabkii u rarnaan ganacsatada Somaliland oo la afduubay oo la sheegay in u soo gaaray Xeebaha Puntlan

March 16, 2012 10:21 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Markab dhawaan burcad-badee Somal ah ay ka soo afduubtay biyaha badda dalka Cumaan ee Salalah oo u rarnaa ganacsato Somaliland ah oo muddooyinkan wareegaalaysanayay xeebaha Somalida ayaa la sheegay in iminka la keenay xeebaha Puntland gaar ahaan xeebta Caluula.

Markabkan, oo u raran ganacsato Somailand ah ayaa laga ergyay xeebo badan, waxaana dhawaan laga soo eryay xeebta deegaanka Hobyo, kadib markii dadka deegaanku ay ka soo horjeedsadeen in Markabka halkaas lagu hayo, ayna dhowr burcadbadeed ah oo Markabka ka soo dagay la qabtay.

Sheekh Cabdiqaadir Nuur oo ka tirsan Culimada sida wayn loo qadariyo ee Puntland iyo Guud ahaanba Somaliya ayaa khudbadii Jimacaha ee maanta aad u cambeereeyay in Xeebaha Puntland la keeno Markabkan, wuxuuna ku baaqay in Ummadda reer Puntland looga baahan yahay in Markabkan u raran ganacsatada Somaliland laga soo horjeedsado in biyaha Puntland sii joogo amaba si degdeg ah wax looga qabto, waxaana uu Sheekhu Burcad-badeeda ku sheegay kuwo dhibaato ku ah Sumcadda, Diinta, Dhaqanka iyo Dhaqaalaha Puntland, wuxuuna Alle uga baryay in uu baabi’iyo oo meesha ka saaro.

Muddo dhowr bilood laga joogo ayay ahayd markiii Markab u rarnaa ganacsato Somaliland ah la keenay xeebaha Puntland, dadaal badan oo dadka deegaanka iyo waliba maamulku ay sameeyeen ayaa si nabad ah loogu qanciyay burcad-badeedii haystay in ay iskaga dagaan Markabkii.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA