BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Mashruuc loo baxshey Waxbarashadu waa Iftiin oo ay ku baxeyso 9.000.000 M USD oo la furey (Sawiro)

December 12, 2012 5:48 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu qabtey xaflad ballaaran oo lagu daah-furey mashruuc Waxbarasho oo loo baxshey Waxbarashadu waa Iftiin (Education is Light), waxaana ka soo qeybgaley Masuuliyiinta Wasaaradda, Xubno ka socdey Golayaasha Dawladda, Midawga Yurub( EU) iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cabdiwahaab, ayaa waxa uu sheegey in Wasaaraddu dhan kasta oo ay ka hurumartey, waxaana si gaar ah u tilmaamey soo celinta afka Soomaliga iyo Hiddaha iyo Dhaqanka.

Juxa

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa waxa uu sheegey in Mashruucan uu yahay mid ballaaran oo laga hirgalinayo 12 Degmo oo ka tirsan 8-da gobol ee Puntland, waxaana uu sheegey in uu saameynayo dhammaan Waxbarashada kala duwan  sida Wabarashasda tooska ah, midda dadban, Iskuulaadka kala duwan, Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha.

w12

Wasiirku, waxa  uu sheegey in Wasaaraddu ay dhan kasta ka horumartey gaar ahaan dhinacyada kor u qaadida Waxbarashada kala duwan, hirgalinta Manhajka, Xeer hoosaadyada, dad khubaro ah oo Wasaaradda ka shaqeeya iyo soo saarita Buugaagta.W2
Cabdilaahi Yuusuf Madaxa Care ee Somalia ayaa waxa uu sheegey in Mashruucan ay ku baxeyso lacag dhan 7.5 Uero oo u dhiganta $ 9.000.000 M USD, waxaana uu sheegey in ay ka faa’iideysanayaan Ardey gaareysa 21.000 kuwaas oo isugujira Waxbarashada Asaasiga ah iyo Dugsiyada Sare, sidoo kale waxaa ka faa’iideysanaya  2400 Ardey Waxbarashada dadban. Waxaa kaloo ka faa’iideysanaya 700 Ardey oo dhanka Farsamada Gacanta ah, waxaa kaloo tababar la siinayaa 696 Macalin.

Ilasabeyt, oo ka tirsan Midawga Yurub EU, ayaa aad u ammaantey Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana ay sheegtey in iyadu ay leeneyso hogaaminta Mashruucan ballaaran, taas oo sababtey horumarka ballaaran ee Wasaaraddu gaartey.

Mashruucan oo socon doona muddo 3 sano ah ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqey Midawga Yurub (EU), waxaana fulinaya Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Care oo hogaamineysa hay’adaha SC, ADRA iyo Jaamacadda VU Amsterdam.

 

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA