BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Qaar ka mid ah Beesha Ciise Maxamuud oo cambaareeyay Been abuur laga sameystey (Sawiro)

December 10, 2012 11:09 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Gaaroowe:-Shir ballaaran oo ay yeesheen qaar ka mid ah Beesha Ciise Maxamuud ayaa waxaa looga hadley qoraal la sheegey in uu ahaa Been abuur kaas oo la faafiyay, waxaana shirkan joogey Nabadoono iyo Waxgarad badan oo si been ah loogu saxiixey qoraalkaasi looga soo horjeedey sanadka soo socda ee jiritaanka Dawladda uu hogaaminayo Dr. Faroole, waxeyna Odayaashan sheegeen in aysan waxba ka ogeyn qoraalkaasi oo lagu been abuurtey.

Nabadoon Bashiir Cabi Cali ayaa waxa uu sheegey in uu yahay baaq Xaaraan ah oo la sheegey in beesha uu isagu ka tirsan yahay ay ku mideysan yihiin, waxaana uu sheegey in ay uu ahaa mid aan jirin oo aan laga wadatashan.

Qaar ka mid ah Waxgaradkii shirkan ka hadley ayaa sheegey in ay joogeen meelo aad u fog  22o Km u jirta Garoowe oo  ay san ka warqabin, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in Sharciga lala horkeeno dadkii been abuurka sameeyay.

Ganacsade Axmed Maxamed Seylo, ayaa waxa uu sheegey in warkaasi uu been abuur ahaa aana lagala tashan islamarkaasna magacooda lagu qorey, waxaana uu sheegey in beesha ay Wakiil ka yihiin Nabadoonaddu aysana ka war qabin.

Cabdicasiis Maxamed Hiirad ayaa waxa uu sheegey in isagu uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee beeniya qoraalkan  oo ka hadla Warbaahinta uuna ahaa mid 4 qof ay sameeyeen.

Dhammaan Waxgaradkan Shirka isuguyimid oo isugujirey kuwo ku jirey qoraalka lagu sheegey been abuurka  iyo kuwo aan ku jirin ayaa been ku tilmaamey qoraalkan, waxeyna sheegeen in laga waantoobaan qoraalada noocaan oo kale ah oo iminka kadib aysan dib u soo labaan.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA