BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Shirweynaha urur Siyaasadeedka Horseed si dar-dar leh uga socda Magaalada Garoowe.

February 1, 2013 6:49 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Garoowe: (pp)- Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland si dar-dar leh uga socda isla markaana Galay malintii sadexaad Shirweynaha urur Siyaasadeedka Horseed, Shirkan ayaa maalinimadii shalay ahayd lagu ansixiyey xeerka lagu hagaayo ururka Horseed sidoo kale waxaa la dhagaystay Talooyinka dadka ka qayb galaaya shirkan oo kor u dhaafaaya 450-qof.

Dadka ka qayb galaaya Shirweynaha 1-aad ee Horseed

Dadka ka qayb galaaya Shirweynaha 1-aad ee Horseed

Shirka ayaa waxaa maalinimadii Shalay ahayd Shir Gudoominaayey Wasiiru Dawlaha Maamul-Wanaaga Madaxtooyada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaana halkaas qodob-qodob loogu akhriyey xeerka ururka Horseed iyo weliba Barnaamijka Siyaasadeed ee uu Dalka ku hogaaminaayo Xisbiga Horseed.

DSCF7827

 

Dadweynihii ka qayb galaayey Shirka ayaa sidoo kale su’aalo kala duwan halkaas ku weydiiyey Madaxda Madasha fadhiday waxaana kamid ahaa wax yaabaha ay weydiiyeen dastuurka ururka oo qodobada ku  jira qaarkood hadalo laga keenay waxaana la shaaciyey in wax laga badeli doono qodobada xeerka ururka.

DSCF7829

Shirweynaha ururka Horseed ayaa maanta dib u bilaabanaaya marakay saacadu tahay 2:00 duhurnimo sida ay noo xaqiijiyeen madaxda hawl-wadeenada ka ah shirkan,   Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay qabsadeen ururada Ka hirgalay Puntland waxaana Magaalada Garoowe laga dareemayaa qaban-qaabada Shirar ay qabsanayaan ururo kale waxaana lagu wadaa in Magaalada ay 6-urur uga furmaan shirweynayaal.

Mukhtaar Cabdi Faarax

Puntlandpost,Garoowe,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA