BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Shirweynaha urur Siyaasadeedka Midnimo oo Beri ka furmi doona Magaalada Garoowe.

February 1, 2013 9:03 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Garoowe: (pp)- Waxaa Malinta Beri ah Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ka furmi doona shirweynaha urur Siyaasadeedka Midnimo oo kamid ah ururada ka jira Puntland, Furitaanka Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb geli doona Madaxda ugu saraysa urur Siyaasadeedka Midnimo iyo weliba xubnaha ama ergada kala matalaaya Gobalada kala duwan ee Puntland.

DSCF6551

Qabanqaabada Shirweynaha ururka Midnimo ayaa siweyn Looga dareemayaa caasimada Puntland ee Garoowe waxaana uu Shirkani ka dhici doonaa Hoolka Shirarka ee Jaamacada PSU sida ay noo xaqiijiyeen hawl wadeenada urur Siyaasadeedka Midnimo, Waxaa maalmahanba Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kusoo qulqulaayey ergo ka kala imaanaysay Gobalada Puntland si ay uga qayb galaan shirweynaha ururka Midnimo.

Inta uu socda Shirweynaha ururka Midnimo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Barnaamijka Siyaasadeed ee ururka iyo weliba Xeerka lagu hagaayo ururkan Sidoo kale waxaa lagu dooran doonaa Golaha fulinta ee ururka Midnimo iyo Golaha dhexe , Waxaana Shirkana ka qayb galaya dad aad u tira badan oo isaga kala yimi dhamaan Gobalada Puntland.

 

Shirweynaha ururkan ayaa qayb ka ah shirar ay qabsanayaan ururada Puntland oo ka socda Caasimada Garoowe iyo kuwo lagu gudo jiro in Maalmahan la qabto waxaana Magaalada Garoowe siweyn looga dareemayaa Xamaasada la xiriirta arimaha axsaabta iyo Shirarkan iyadoo ay dadku ka sheekaysanayaan arimaha axsaabta ayna is weydiinayaan xisbiga ama ururka uu katirsan yahay.

Mukhtaar Cabdi Faarax

Puntlandpost, Garoowe.PL 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA