BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Shirweynaha ururka Horseed oo galabtay lagu doortay Guddigii Fulinta ee ururka(Sawiro)

February 1, 2013 4:56 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by PP

Garoowe: (pp)- Waxaa Maanta maalintii 3-aad galay Shirweynaha urur Siyaasadeedka Horseed oo ka socda Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe, Shirkan Galabtay waxaa iskugu yimi dhamaan ergadii ka kala timi Gobalada Puntland ee ka qayb galaysay Shirka Waxaana halkaas lagu doortay Guddiga Fulinta ee urur Siyaasadeedka Horseed,

Guddigan Galabtay ay doorteen xubnaha urur Siyaasadeedka Horseed ayaa ka kooban afar masuul oo katirsan Dawlaada Puntland Kuwaas oo kala ah:-

1. Dr C/raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole, Gudoomiyaha Rasmiga ah ee ururka ahna madaxweynaha Puntland

2. General C/samad Cali Shire,  Gudoomiye K/xigeenka 1-aad ee ururka ahna Madaxweyne Ku-xigeenka xiligan

3. C/rashiid Maxamed Xirsi, Gudoomiye K/Xigeenka 2-aad ee ururka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka

4.  General C/llaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Guud ee Maamulka ururka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha.

ergada ka qayb galaaya Shirweynaha ururka horseed.

ergada ka qayb galaysa Shirweynaha ururka horseed.

DSCF7832

Guddigan ayaa loogu codeeyey hab gacan taag ah waxaana codkooda ku taageeray dhamaan xubnaha urur Siyaasadeedka Horseed ee ka qayb galaaya Shirweynaha ururka, Waxaana la sheegay in gadaal laga soo xuli doono xubnaha kamid noqonaaya Golaha dhexe ee urur Siyaasadeedka Horseed oo la shaaciyey in laga dhigay 250-qof halkii awal lagu wadey in laga dhig0 180-qof

Ergada oo u codaysay Guddiga Fulinta ee Horseed.

Ergada oo u codaysay Guddiga Fulinta ee Horseed.

DSCF7859

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka hadlaayey kulankan ayaa dadweynaha reer Puntland uga mahadnaqay taageerada balaaran ee ay la garab istaageen ururka Horseed, Wuxuuna sheegay in ururkan uu yahay Mustaqbalka Dhalinta Puntland isagoo shaaciyey in xubnaha Golaha dhexe laga soo xuli doono dhamaan dadka reer Puntland oo ay ku jiraan Qurba joogta,Dhalinyarada, Haweenka, Aqooyahanka iyo qaybaha kale ee Bulshada, Madaxweyne Faroole ayaa shaaciyey in shirka oo lagu wadey inuu maanta soo xirmo lagu daray maalmo kale wuxuuna ergada u sheegay inay Labo maalmood Fasax Geli doonaan lana soo laaban doono maalinta isniinta ah oo uu Shirku si rasmi ah usoo xirmi doono halkaasna lagu soo bandhigi doono dadka kamid noqonaaya Golaha dhexe ee ururka.

DSCF7842

DSCF7828

 

Shirweynaha urur Siyaasadeedka Horseed ayaa ah kii ugu Horeeyey ee ay qabsadaan ururada Siyaasada Puntland walow ay maalinimada Berito ah caasimada ka furmi doonaan Shirar kale oo ay qabsanayaan ururada kale gaar’ahaan urur Siyaasadeedka Midnimo sida ay noo xaqiijiyeen Masuuliyiinta ururkaasi.

 

Mukhtaar Cadi Faarax

puntlandpost, Garoowe,PL

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA