BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Taliyekuxigeenka Booliska PL oo “Waa in la adkeeyaa ammaanka lamana ogalaan doono hubka, bacaha madaw iyo…”

July 30, 2011 5:22 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Garoowe:-Goordhawayd ayaa waxaa warsaxafadeed ku qabtay Saldhiga Booliska Garoowe Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Saciid Jaqanaf wuxuuna ka hadlay ammaanka iyo u diyaargaroowga xuska sanadguurada 13-aad ee dhanka ammaanka wuxuuna sheegay in laga wadashaqeeyo ammaanka Dawlad iyo shacabba si loo gaaro hadafka oo ah harumar iyo ammaan-buuxa.

Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Maxamed Saciid Jaqanaf

Taliyekuxigeenku, wuxuu hoosta ka xariiqay in aan la ogaan doonin wax hub ah oo lagu dhexwato gudaha magaalada, baabuurta aan taarikada lahayn,  bacaha madow (beersonka) ee ku dahaaran muraayadaha baabuurta iyo waxkasta oo ammaanka wax u dhimaya, wuxuuna Ummadda ugu baaqay in ay ammaanka kala qayb-qataan laamaha ammaanka ku hawlan, wuxuu si gaara u xusay mudada dabaaldaga sanad-guurada Puntland il gaar ah lagu hayo ammaanka.

Dhammaan laamaha ammaanka Puntland ayaa si wayn ugu hawlan sugida ammaanka waxaana magaalada Caasumadda ah ee Garoowe laga dareemayaa ciidan aad u tiro badan oo la keenay magaalada kuwaas oo ka qayb-qaadanaya hawlaha ammaanka iyo hab u sami u socodka dabaaldaga xuska sanadguurada 13-aad ee Puntland.

Xuska Sanadguurada 13-aad ee Puntland ayaa u muuqda mid xiiso gaar ah leh oo ka duwanaan doona kuwii horay  loo qaban-jiray ee ka dhici jiray dalka iyo dibadaba.

 

Daabacaadda:Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA