Garoowe:-Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa dhawaan waxa ay sameysey Gole kaas oo kor u qaadaya tayada iyo Waxbarashada Gabdhaha ee Puntland.
Maxamed Cabdiwahaab Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa Puntlandpost u sheegey in Golahan uu ka kooban yahay 12 Xubnood oo ka kala yimid Gobolada Puntland, si ay kor ugu qaadaan tayada iyo Waxbarashada Puntland, waxaana uu sheegey in Golahan ay isugujiraan Macalimiin iyo Ardey.
Golahan, ayaa loo dhisey in ay in la helo Gabdho Macalmiin ah iyo Gabdho badan oo Waxbarashada oo gala oo Waxbarta.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa muddooyinkan wadey olole ballaaran oo ay ku dooneyso in kor loogu qaado Waxbarashada Gabdho iyo Gabdho Macalimiin ah.
Puntlandpost.com