BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE : Wafdi ka socda Midawga Yurub (EU) oo Garoowe yimid (Sawiro)

December 4, 2012 11:01 am GMT - Written by Editor - Edited by PP

Garoowe:-Wafdi balalaran oo ka socda Midawga Yurub (EU) ayaa maanta soo gaarey Magaalada Garoowe iyaka oo Madaxtooyada kula kulmey masuuliyiin ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay M-kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, waxaana u jeedada Wafdigan lagu sheegey arimaha Xuquuqul Insaanka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo Warbaahinta la hadley ayaa waxa uu sheegey in ujeedada Wafdigan ay tahay in ay ogadaan Arimaha Xuquuqul-insaanka gaar ahaa Xoriyatul qawlka, waxa uu sheegey in ay kaloo rabaan arimaha Gudniinka Fircnooiga ah iyo Qisaasta.

 

Wasiirku, waxa uu sheegey in ay qiimenayaan oo ay xog ka doonayaan arimaha Dumuqraadiyeynta Puntland.

Dhamaman arimahan, ayuu sheegey in madaxda Puntland ay si fiican uga warbixiyeen.

Wafdigan ka socda Midawga Yurub (EU) ayaa waxa ay yihiin Safiirada dalkooda u fadhiya magaalada Neyroobi marka laga reebo masuul Mareykan ah, waxaana hogaaminayay Wafdigan Safiirka dalka Denmark u fadhiya Neyrobi Mr,. Tomas.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA