BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Wafti uu Hogaaminaayo wakiilka Midowga Yurub ee arimaha Soomaaliya oo soo gaaray Magaalada Garoowe(Sawiro)

February 19, 2013 11:42 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Garoowe: (pp)- Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland soo gaaray wafti uu hogaaminaayo Wakiilka Midowga yurub u qaabilsan Dalka Soomaliya Mr Michele Cervone oo ay weheliyaan wakiilo ka socda Safaaradaha Britain & Norway,  Waftigan ayaa waxaa Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin katirsan labada Gole ee Dawlada Puntland.

aa

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)  ayaa waftiga ku qaabilay qasriga Madaxtooyada waxayna halkaas ku yeesheen kulan socdey mudo saacado ah lagagana wada hadlay dhinacyo kala gedisan oo ay ugu weynayd Nidaamka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Gacanta ay ka gaysanayaan Midowga Yurub,

aaa

Markii uu soo dhamaaday kulanka labada dhinac ayaa waxaa Saxaafada si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo Wakiilka Midowga Yurub ee arimaha Soomaaliya, Mr Cervone oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay inay Madaxda Puntland kala hadleen hanaanka Dimuqraadiyeynta ee ka socda Puntland, Adkaynta Nabad galyada iyo Horumarinta Puntland, wuxuu uga Mahadceliyey Dawlada Puntland iyo Guddiga KMG ee Doorashooyinka sida aadka u wanaagsan ee ay u wadaan hirgelinta hanaanka xisbiyada badan isagoo balan qaaday inay Midowga yurub is garab taagi doonaan hirgelinta Nidaamkaasi.

aaaaa

aaaaaaaa

Madaxweyne Faroole ayaa dhankiisa uga mahadceliyey waftigan booqashada ay ku yimaadeen Puntland, wuxuuna sheegay wax yaabihii ay kawada hadleen waftigan inay ugu muhiimsanayd hanaanka dimuqraadiyada Puntland, Sida hawlaha axsaabtu u socoto iyo weliba sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho xor ah, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay kawada hadleen nabad galyada, Xoriyatu qawlaka, iyo weliba arimaha ururada Siyaasada, ugu dambayntiina wuxuu sheegay inay isla qaateen dhamaan wax yaabihii ay kawada hadleen.

aaaaaa

aaaaaaa

Midowga Yurub ayaa kamid ah ururada caalamiga ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyeynta Puntland ee wayadii u dambaysay ka socotey degaanada Puntland, mana ahan booqashadani tii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA