Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Saciid Xassan Shire oo shirjaraa’id ku qabtey Xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegey in ay Kooxo dhaqaatiir ah ay u direen deegaamo badan oo ka tirsan gobolada Puntland kuwaas oo Xoolaha ka daweynaya dhammaan Xanuunada kala duwan ee Xoolaha ku dhaca.
Wasiirku, waxa uu sheegey in aysan jirin Xanuun guud oo Xoolaha Puntland ay qabaan iminka, balse, ay dhici karto in reer kastaaba ay Xoolahoodu ka jiran yihiin 5-10-20 Neef, kuwaas ayuu sheegey in loo daweynayo si inta kale loo bad-baadiyo oo xanuunku u faafin.
Wasiirku, waxaa kaloo uu sheegey in dhawaan la hirgalinayo Sheybaar ballaaran oo dhammaan cudurada ku dhaca Xoolaha lagu baaro kaas oo looga kaaftoomayo in baaritaan lagu soo sameeyo dalka dibadiisa.
Wasiirku, waxa kaloo uu sheegey in koox dhaqaadiir ah uu iminka tababar ku saabsan Cudurada xadka ka soo gudba iyo kuwa kalaba uu socdo ayna dhawaan hawlgali doonaan.
Puntlandpost.com