BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE: Wasarada Degaanka Puntland oo ka warbixisay Mashruuc lagu daryeelaayo Degaanka oo dhawaan bilaaban doona.

February 22, 2013 5:50 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Garoowe: (pp)- Wasaarada Degaanka iyo Duurjoogta Puntland ayaa ka warbixisay Mashruuc cusub oo ay ku daryeelayso Degaanka oo dhawaan Bilaaban doona, Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka Burhaan Cilmi Xirsi ayaa sheegay Mashruucaan inay iska kaashanayaan Deeqbixiyayaal Caalami ah looguna tala galay sidii wax looga qaban lahaa degaanka sii nabaad guuraaya ee Puntland.

DSCF8397

Wasiirka Ku-xigeenka ayaa tilmaamay Mashruucaan inay ku baxayso aduun lacageed oo gaaraaya  €25,000,000 (Shan iyo Labaatan Milyan oo Euro) ayna ka caawinaayaan deeqbixiyayaasha Midawga Yurub, wuxuuna sheegay in wax looga qaban doono degaanada dooxooyinka ah ee ay roobabku ka sameeyeen Bohola isla markaana aan wax laga qaban tan iyo Burburkii Dawladii Dhexe ee Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegay in lagu samayn doono Biyo Xireeno iyo weliba Baliyo ay ka cabaan xoolaha iyo dadweynuhuba.

Burhaan ayaa sheegay in Mashruucaan degaanada looga fulin doono sida ay u kala daran yihiin hase ahaate laga fulin doono dhamaan Gobalada Puntland isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey inuu wax badan ka qaban doono Dhulka sii nabaad guuraayey, ayna ka faaidaysan doonaan dhamaan dadka Puntland sida xoola dhaqatada, Beeralayda iyo Xitaa Dadka Magaalooyinka ku dhaqan oo siweyn ugu xiran nafciga Miyiga.

Mashruucaan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo gaaraysa 4-sano hadii uu siwanaagsan u hirgalana waxay wasaaradu Sheegtay in loo kordhin doono Dawlada Puntland, Iyadoo ay Wasaaradu Rajo Wanaagsan ka muujisay inuu u hirgalo Mashruucani sida ugu wanaagsan.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA