Garoowe: (pp)- Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland gaar’ahaan hoolka Jaamacada PSU lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo shahaadooyin lagu gudoonsiinaayey arday garaysa 49-arday oo Machadka Barashada Computer-ka iyo Luuqdaha Ee Goljano ka bartay Cumputerka, Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay Boqolaal qof oo iskugu jirey Ardayd, Macalimiin, Waalidiin iyo Masuuliyiin waxayna dhamaantood siweyn ugu farxeen qalinjabinta ardaydaan.
Ardayda ka qalinjabisay Xafladan ayaa bartay isticmaalka iyo Cilad saarista Coumputerka waxaana halkaas shahaadooyin ku gudoonsiiyey Masuuliyiin katirsan Wasaarada Waxbarashada Dawlada Puntland, Waxaana ardaydii Shahaadooyinka la gudoonsiinaayey wajiyadooda laga dheehan karay farxad aad u saraysa.
Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobalka Nugaal Xasan C/llaahi Cilmi ayaa ardaydi qalinjabisay ku dhiiri geliyey inay sii wataan barashada Computerka maadama aqoonta Computerku ay maanta noqotay mid lagama maarmaan ah, Isagoo sheegay qofka aan Computerka aqoon inuusan la jaanqaadi karin Waxbarashooyinka Sare, Gudoomiyaha ayaa ardayda ugu baaqay inay kordhiyaan isticmaalka iyo Barashada Computerka wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay tiro intan le’eg oo mar kaliya ka qalinjabisay Isticmaalka iyo Cilad saarista Computerka.
Qaar kamid ah Macalimiinta Machadka Goljano oo iyaguna xaflada ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay qalinjabinta ardaydaan iyagoo balan qaaday inay sii wadi doonaan waxbarashada ay wadaan ayna soo saari doonaan jiil cusub oo carbisan aqoonta computerka maadama uu Computerku maanta noqday mid kamid ah wax yaabaha lagama maarmaanka ah ee uu bahan yahay qof kasta oo bini’aadam ah.
puntlandpost.com