BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

GAROOWE:Mulkiilaha Hotel Ex Degel Muqdisho oo qeylo-dhaan u diraya Dawladda Somalia iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed kana codsaday in Hotelkiisa uga saran ninka xooga ku haysta

January 5, 2013 7:35 am GMT - Written by Editor - Edited by PP

Garoowe:-Mulkiilihii Hotel Ex Degel No. 4 ee Magaalada Muqdisho Xaaji Yusuf Jaamac Degel (Cambe Cambe) ayaa warbaahinta Garoowe u sheegay in Hotelkaas oo Muqdisho ku yaala uu isagu leeyahay, isla Markana uu Xoog ku Haysto Nin Kira ahaan u Degnaa Hotelka Laga soo Bilaabo Xiligii Maxkamadaha ay Muqdisho ka talinyeen isla Markaana uu Ninkaasi oo Sheeganayay Awoodda Muqdisho,waa sida uu sheegaye uu dhistay Qaybo Badan oo Banaanka Hoteelkiisa ah (Parking) ahaa kaaso ka soo Horjeeday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Hotelkan ayaa Burburkii Kaddib loo Yaqaanay Kuraasi Cad, Balse Horay loo dhihi Jiray Hotel Degel,wuxuu shegay Canbe-Canbe inaysan jiri wax i jaara uusan siin,isla markaana uu dafirsanyahay in guriga uu isagu leeyahay.

Yuusuf

Xaaji Yuusuf Jaamac (Camcambe) Mulkiilaha Hoteel Ex Dagal ee Muqdiho

Cambe Cambe ayaa Sheegay isagoo ku sugan Garoowe in arrinta Hoteelka ay in Badan galeen Dowladdii Federalka ee kumeelgaarka aheyd ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif Isla Markana aysan Jirin Xal Laga Gaaray.

Xaaji Yuusuf, waxa uu sheegey in uu muddo dheer sugayay Dawlad Soomaaliyeed oo Caddaalad ah oo wax iiga qabata ninkan xooga ku heysta hantideyda, aniga oo aminsanaa in Dawladan ay aheyd tii ku habbooneyd in ay ii soo celiso hantideyda ayaaba dabakhyo laga dhistey hortiisa isagiina xoog lagu heystaa.

“Waxay Dowladda ii Sheegen inay Duminayaan qaybaha Layga Hor Dhistay Iguna soo wareejinayaan Laakin Hadda Waxaan Maqlayaa in uu Qaybo Shub ah oo hor leh uu Ka Hordhisayo, Dadka deggan iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaya Waa Xaraan layga Dhacay Xoogna Layga Haysto” ayuu Yiri Cambe Cambe.

“Hoteelka Waxaa Iga Haysta Daahir Bakiin kira kama qaato waxuuna Ku Haystaa Xaaran Cad” ayuu Hadalkiisa Raaciyay.


Dowladda Federalka Sida Duqa Muqdisho,Wasaaradda Arimaha gudaha, Maxkamada, Madaxweynaha iyo Raisulwasaraha ayuu ka Codsaday in hantididiisa ay uga saraan ninkan xooga ku heysta.

Sidoo kele Yuusuf ayaa xusay in dhawr jeer uu arintan xalinteeda kala shiray Odayaasha beesha uu ninkani ka soo jeedo,ayna u sheegen inay uga sarayaan Hotelka, balse wuxuu sheegay inaysan jawaab ku soo celin.

Dhinaca kele xiriir aan la samaynay ninka lagu eedaynayo inuu Hotelkan uu haysto lagu eedaynayo ayaa noo suu roobiwayday inaan xog ka helno,balse dadka hotelka yaqaana oo aanu kala xiriirnay Muqdisho & Garoowe ayaa noo xaqiijiyey in Hotelka Degel uu leeyahay Yuusuf Jaamac Degel.

Tabinta : Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA