Garoowe: (pp)- Waxaa maanta xarunta PDRC ee Magaalada Garoowe lagu qabtay kulan ururada Siyaasada Puntland loogu soo bandhigaayey sharciga ama xeerka hab-dhaqanka ururada Siyaasada Puntland, Kulankan ayaa waxaa fadhiyey 6-urur Siyaasadeed ee ka jira Puntland kuwaas oo kala ah Horseed,Horcad,Midnimo,Udad,Wadajir iyo DPD.
Ugu horay waxaa kulan furay Gudoomiyaha guddiga Doorashiyinka Puntland Dr Maxamed Xasan Bare oo ururada uga Mahadceliyey kasoo qayb galka Kulan wuxuuna sheegay in kulankan la iskugu yeeray sidii ururada Dalka abuurmay loogu soo bandhigi lahaa xeerka Hab-dhaqanka ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Soo diyaariyeen, Dr Bare ayaa ka sheekeeyey heerarkii ay soo martay Dimquraadiyeynta Puntland iyo heerka Guusha ka dhow ee ay Iminka Marayso.
Waxaa Isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cilmi Baarista Puntland Dr C/raxmaan Cabdule Shuuke wuxuuna sheegay inay Guul tahay heerka ay maanta marayso dimuqraadiyeynta Puntland marka la eego heerkii laga soo bilaabay, Shuuke ayaa sheegay inay Guddiga Doorashooyinka kala shaqayn doonaan Hirgelinta Nidaamka Axsaabta Badan ee Puntland.
Kulankan ka dhacay PDRC ayaa kusoo aadaya xili ay Magaalada Garoowe ka socdaan Shirweynayaasha ururada Puntland, Halka qaar kalena ay furmi doonaan Maalmaha fooda inaku soo haya waxaana Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland laga dareemayaa camirnaan aad u weyn maadama ay iskugu yimaadeen kumanaan qof oo ka kala yimi Gobalada kala duwan ee Puntland kana qayb galaaya shirweynayaasha ururada Puntland.
Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost, Garoowe,PL