BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Halgame Ladane Saalax Deer Ma Dhintey??

February 13, 2013 10:32 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

 إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

 

 

Akhristayaal Qormadan kooban waxaan Jeclahay inaan ku qoro Maal-mihii wanaagsanaa ee aan la kuley Halgame Ladane Saalax Deer, Oo aan oran karo waa Xidig Iyo Halyeey ka baxey Ummada Soomaaliyeed.

 

halgamaa

Akhristow Naf walba waxa sugaysa Geeri, Dadkuna waxa ey saaran yihiin Tareen, Qof walbana waxa uu ku dagayaa goob ku xusan Wakhtigiisa.

Hadaba aan u soo noqdo Maqaalkeyga xambaarsan dareenka, Maanta oo ey bishu tahay 13/2/2013, Waxaa Magaalada Bossaso ku geeriyoodey mid kamid ah Halyeeyadii SYL,  Eebe ha u Naxariisto, Ladane Saalax Deer, waxa uu ahaa Wadani Jecal dadka Soomaaliyeed kuna soo shaqeeyay Wadniyad Iyo Soomaalinimo, Halgame Ladane, muddadii uu halganka Xoreynta Dalka ku soo jirey waxa uu la kulmey khataro badan Iyo Shirqoolo, waxaan la soconaa inuu ahaa Safiirkii SYL- ee Ethopia loo direy, sidoo kale waxa uu ahaa Safiirka wareega ee SYL, balse kartidiisa Iyo sugnaantiisa Eebe waxa uu ku abaal-marshey Magaca uu maanta harsanayay Iyo Xurmada uu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed, Marxuum Ladane Saalax Deer, waxa aan bartey xili uu xanuunsanaa, balse marka laga yimaado xanuunkii hayay waxa uu ahaa Nin aadan ka boganeyn sheekadiisa Iyo Taariikhdiisa, waxaan ku booqdey Hospital ka marar badan Iyo Hoygiisii Dagmada Carmo, mar walba waxa uu Afka ku hayay Dalka Soomaaliyeed yaan la qaadan War dalka difaacda anagu waa taagney, hadaladaas Iyo kuwa kale waxa ey saameyn ku yeesheen Nolosheyda waana mida keentay in Geerida Halgame Ladane Saalax Deer aan si gaar ah u dareemo

Maalmihii u danbeeyay  ee uu Ifka joogey waxa uu ahaa Nin ku samra Naxariista Eebe Iyo Xanuunka hayay, waxa aan oran karaa maanta Soomaaliya waxaa ka baxey Halyeey ey adkaan doonto in la buuxsho kaalintiisa.

waxaan baaq u dirayaa Dowlada Federal ka Soomaaliya iney maamuusto isla-markaana Taariikhdii Iyo Xurmadii uu lahaa Halyeey Ladane Saalax Deer, Dowlada Soomaaliyeed waxa ey wakiil u tahay Shacabka, waxaana waajib ku ah iney ilaaliso Taariikhda Halgamayaashii u soo halgamey dalkan sida Ladane Saalax Deer.

Waxaan sidoo kale Dowlada Puntland Somalia ka codsanayaa iney Aas-qaran Iyo Maamuus u sameyso Halgame Ladane Saalax Deer, si Jiilka soo koraya ey u bartaan Ragii Iyo Haweenkii ka qeyb-qaatey xoreynta dalka isla-markaana Xurmo Iyo Taariikh wanaagsan ku lahaa Bulshada Soomaaliyeed.

 

Ugu danbeyn waxaan halka Tacsi Tiiraanyo xambaarsan u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland Iyo Qoyska Reer Saalax Deer Iyo Reer Ladane, waxaan lee yahay Geerida Halgame Ladane Saalax Deer waa mid dul-hoganeysa Guri walba oo Soomaaliyeed.

 

 

Qore Sakariye Maxamed Isticmaar

 

sakariye85@hotmail.com

 
 
 
 
 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA